Xukuumadda Jabuuti oo xabsiga…..
Dawladda Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabtay laba wariye oo midkood ka tirsan yahay wariyeyaasha aan lahayn xuduudka(RSF),labadaan wariye ayaa la kala yiraahdaa Qaasim Nuux Abaar kaasoo laga xiray meel bannaanka ah dalka Jabuuti shantii bishaan lixaad(5/6/2020)-ka halka Maxamed Ibraahim Wacays oo ah wakiil wareedka wariyeyaash aan lahayn xuduudka(RSF) la xiray maalintii axadda kuna beegneed 7/6/2020-ka isagoo u sii socda inuu la kulmo garyaqaanka difaacaayo sarkaalka u xiran dawladda Jabuuti ee la yiraahdo Fu’aad kaasoo xirigiisa eey ka dhasheen banaanbaxyo wada gaaray degmooyinka dalka Jabuuti,waan sida uu sheegay tifatiraha LVD kaaso warkisa ku wajahanyahay dalka Jabuuti waxaane laga soo baahiyaa dalka Biljam.