Gen.Kibochi oo booqday…

88888.jpg

Waa maalintii 37-aad ee uu xilka haayo Gen.Robert Kibochi markii uu booqday lana kulmay ciidamadda dalka Kenya oo ka mida ciidamadda nabad ilaalinta afrika kuna suga soomaaliya loona yaqaano AMISOM,taliyaha ayaa soo booqday saldhigyadda eey ciidamadda Kenya kaga sugan yihiin gobolaka Jubadda Hoose gaar ahaan degmadda Afmadaw,Billis Qooqaani iyo Hoosinga,taliyaha ayaa u kuurgalay sida eey u hubaysan yihiin si eey ula dagaalamaan una wajahaan cadawga.

Gen.Kibochi oo la hadlaayey ciidamadda dhammaadkii asbuuca ayaa yiri” Idinka waxa aad tihiin madaxii falaaraha waxaane idinku waajib ah inaad noqotiin falaaro af leh,anagane waxaa inagu waajib ah inaan idin siino qalabkii aad u baahneedeen si aad u gudatiin waajibaadkiina”

Gen.Kibochi ayaa laga yaabaa inuu qorsheeynaayo qaabkii eey ciidmadda Kenya uga bixi lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya waane midaan dhici doonin ka hor sannadka 2021-da,ciidamadda difaaca Kenya ayey tahay ineey heestaan hub casri ah oo eey ku hawlgalaan marka eey gudanayaan waajibkooda,taliye Kibochi ayey waajib ku tahay inuu hubiyo in saraakiisha hogaaminayso ciidamadda Kenya ka joogo soomaaliya ineey haystaan baabuur dagaal,diyaarado iyo qalab kale oo casri ah oo ka caawinaayo sideey u wajihi lahaayeen cadawga.

Previous
Previous

Xukuumadda Jabuuti oo xabsiga…..

Next
Next

Damaanadiisa waa $1.25-milyan.