XUKUUMADDA ISRA’IIL OO LA KALA DIRAY.
(SAWIRKA)-RW-NETANYAHU.
(ANKARA)-Wararka ka imaanayo dalka Isra’iil ayaa sheegayo in Reysal Wasaaraha dalka Isra’iil Benjamiin Netanyahu uu kala diray Golihii Wasiiradda ee dagaalka oo la dhisay 11/10/2023-kii ka dib markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza ee hadda galay bishii sideedaad,sida ey sheegtay warbaahinta dawladda Isra’iil maanta oo Isniin ah. Sida laga soo xigtay Warbaahinta dadweynaha ee KAN Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil ee Midigta-Fog Itmar Bin-Gvir ayaa sameeyey codsi xoog leh kuna saabsan ka mid noqoshadda Golaha Wasiiradda Cusub. Talaabadaan ayaa timid ka dib markii Hogaamiyaha Mucaaradka xukuumadda Isra’iil Benny Gantz uu isaga baxay xukuumadda deg dega ah horaantii bishaan ka dib markii la isku khilaafay Istaraatiijiyadda dagaaka ka socdo Marinka Gaza. Golaha la kala diray ayaa waxaa ka mid ahaay RW-Netanyahu,Benny Gantz,Wasiirka Difaac Israiil Yoav Gallant,Rom Dermer,Godi Eizenkot iyo Hogaamiyaha Xisbiga Shas Aryah Deri.
ISHA/WAKAALAD.