WASIIRA JAAMAC OO U JAWAABAY WASIIRKA ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ITOOBIYA TAREKEGN BULBULTA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) ayaa waxa uu jawaaba kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Warshadaha dalka Itoobiya TAREKEGN BULBULTA kaaso Bartiisa Twitter-ka(x) ku soo daabacay hadal sidan u qornaay”Riyadda Itoobiya ee ah iney hesho bad ayaa noqoneysa mid dhab ah. Waxaan rabnaa inaan Mahad noq ujeedino Dawladaha iyo shacabka Soomaaliland iyo Itoobiya. Aqoonsiga Soomaaliland waa Go’aan sax ah”. Waa markii ugu horeysay oo laga maqlo Wasiir ka tirsan Xukuumadda Abiy Axmed oo ku dhiiradda inuu sidaan uga hadlo arrinta dhalisay muranka xoogan ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka G/dhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Jaamac oo ka jawaabay hadalkii uu bartiisa Twitter-ka(x) uu soo dhigay Wasiirka Itoobiya ayaa isagana Bartiisa Facebook-ga waxa uu soo dhigay hadal sidan u Qoran”Fariimaha marin habaabinta ah ee Baraha Bulshadda la soo marinaayo loona soo dhiibay Wasiir Itoobiyaan ah waa riyo maalmeed. Itoobiya waa ey og tahay taako dhulka Soomaaliyeed ka mid ah ineysan qaadan karin,qofka soo jeeda ee riyooday waa la arki jiray,natiijadda riyooyinka nuucaas ahna waa la yaqaanaa halka ey ku dhammaadaan,Soomaaliya Soomaali baa leh”.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO LAGU DUQEEYEY HAWDKA GAKGADUUD.

Next
Next

XUKUUMADDA ISRA’IIL OO LA KALA DIRAY.