XUKUNADA DILKA AH EE LAGA FULIYO IRAAN…

GOOBAHA LAGU FULIYO XUKUNADA DILKA AH EE DALKAIRAAN.

(ISTAMBUL)-Haydaha u doodo xuquuqda aadanaha ayaa isha ku haayo sida dalka Iraan uu u fuliyo xukunada dilka ah waxa eyna sheegeen maanta oo Khamiis ah(13/4/23)-ka in gudaha dalka Iraan lagu fuliyey xukuno dil ah oo gaarayo 75% sannadkii hore ee 2022-ka. Ururo u doodo xuquuqda dadka reer Iraan oo kala fadhiyo caasimadaha dalalka Faransiiska(Paris) iyo Norway(Oslo) ayaa si wadajir ah u soo saaray baaq lidi ku ah xukunada dilka ah ee lagu fuliyo dadka reer Iraan. Warbixin ey soo saareen labadaan urur ayey ku sheegeen in sannadkii 2022-kii in gudaha dalka Iraan lagu fuliyey xukuno dil ah kuwaaso gaarayo 582-qofood,waane kii ugu sareeyey marka laga soo bilaabo sannadkii 2015-kii,labadaan urur ayaa sameeyey isbarbardhig sannadadii 2021- iyo 2022-kii waxaane u soo baxday in dad badan xukun dil ah lagu fuliyey sannadkii 2022-kii halka sannadkii 2021-kii dalka Iraan lagu toogtay 333-qofood.

ISHA WARKA AA.

HALKAANKA SII AKHRI.

Previous
Previous

ADAANKA SALAADA OO MINNEAPOLIS LAGA…

Next
Next

HUB TAHRIIB AH OO LAGU QABTAY…