HUB TAHRIIB AH OO LAGU QABTAY…
(SAWIRAKA) BOOLISKA KANADA.
(CANADA)-Bilihii la soo dhaafay waxaa soo badanayey wararka sheegaayo iney jiraan dad fara badan oo u soo tahriibay dalka Maraykanka ayagoo ka soo gudbaayo xuduudaha uu dalka Maraykanka la leeyahay dalalka Mexico iyo Kanada,hadaba arrintaan ayaa waxaa ka dhashay feejignaan dheeri ah ey sameeyaan hayadaha amaanka wadamadda Kanada iyo Maraykanka kuwaaso hawshooda ugu weyn ey tahay iney ka hortagaan tahriibinta hubka sharci darada ah waxaane dhacday in baarayaal reer kanada ah iney xiraan dad dhan 42-qofood kuwaaso loo haysto dembiyo dhan 442-dembi waxaane gacanta lagu dhigay 173-Bastooladood sidaas waxaa shalay oo Talaada ahayd sheegay booliska dalka Kanada. Hawlgalka la magac baxay”MONEYPENNY” ayaa ah mid sannad jirsaday waane baaritaan ka socdo magaaladda Toronto iyo degaanada ku dhaw ee dalka Kanada,hawlgalkaan ayaa waxaa ka qeyb ah booliska gobolka,hayada ka shaqeyso xuduudaha Kanada iyo hogaanka Maraykanka u qaabilsan la dagaalanka Khamriga,Tubaakada,Hubka iyo waxyaabaha Qarxo.
ISHA WARKA AA.