XUBIN LAGA SOO QAADAY JIRKA DOOFAARKA LANA GELIYEY….

(NEW YORK):Dadka intiisa badan waa eey adag tahay ineey rumaystaan amaba caqligooda ogolaado ineey dhici karto,sax waaye ineey horay u dhacday in killi laga soo qaado qof caafimaad qaba lana siiyo qof ka xanuunsan,sidoo kale waxaa horay u dhacday in jirka bani’aadanka ee waxyeeloobay bedelkiisa mid kale oo laga soo qaaday bani’aadan kale la geliyo si uu ugu shaqeeyo qofkii ka jiranaay,hadaba hadda waxaa soo baxday sheeko taas ka gedisan waxaa Jaamicadda New York ee dalka Maraykanka ka dhacday arrin si aada u soo jiidatay indhaha caalamka daneeyo caafimaadka waxaane dhacday in Jaamicadaas lagu sameeyey qaliin xubin jirka bani’aadanka oo shaqeeyn weyday in bedelkeeda la geliyo xubin ayada la mida balse laga soo qaaday xaywaanka loo yaqaano DOOFAARKA,xubintaan laga soo qaaday Doofaarka oo ahayd Killi ayaa la geliyey qof ka jiranaay killida waxaane dhacday in jirka Bani’aadanka ee la geliyey xubintii laga soo qaaday Doofaarka uu si hufan ula shaqeeyey ee uusan diidin sida marar badan horay u dhacday.Marka laga hadlaayo dadka sugaayo ineey helaan xubin ka jiran jirkooda bedelkeeda kuna sugan dalka Maraykanka gaar ahaan kuwa sugaayo xubinta BEERKA ayaa lagu qiyaasay ineey dhan yihiin 90,000-qofood halka tiradda guud ee xubin sugayaal ah kuna sugan Maraykanka dhan yihiin 106,728-qofood,dhinaca kale,dadka ehelkooda ugu deeqay xubin jirkooda ka mida ayey tiradoodu gaartay 31,361-qofood inta u dhexeeysay Janaayo ilaa Sebtembar-2021-ka.XIGASHO CBS-NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

ASKERI SOMALI-MARAYKAN AH OO XUKUN KU DHACAY MAANTA.

Next
Next

KARIIM BENZEMA OO DACWAD LOO HAYSTO.