XOGHAYIHII GUUD EE URURKA OPEC OO GEERIYODAY.
MAXAMED BARKINDO.
(ABUJA)-Xohayihii guud ee ururka dhoofiya saliida ee OPEC ayaa geeriyooday sida eey wada sheegeen dawladda Nayjeeriya iyo wadamadda xubnaha ka ah ururka OPEC shalay oo Arbaca ahayd. Saacado ka hor uun dhimashadiisa waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Nayjeeriya waxa uuna kala hadlay sidii loo difaaci lahaay warshadaha batroolka ee dalkaasi Nayjeeriya bacdamaa uu soo kordhaayo cadaadiska ka imaanayo isbedelka Cimiladda. Maxamed Barkindo oo ah 63-jir ayaa geeriyooday waqti dambe maalintii Talaadada ahayd gudaha magaaladda caasimadda ah ee dalkassi Nayjeeriya ee Abuuja,sidoo kale waxaa wakaaladda wararka ee Assciated Press(AP) u sheegay afhayeen wasaaradda batroolka ee dalkaasi Nayjeeriya,sababta dhimashada xogahayaha guud ee OPEC ayaa ah midaan weli aqoonin,waxaa ayagana xaqiijiyey geeridda xoghayaha wadamadda xubnaha ka ah ururka OPEC wakiiladooda ee fadhiya Vienna waxa eeyna Maxamed ku sheegeen inuu ahaay”Hogaamiye aad lloga jecelaay ururka OPEC”.
ISHA WARKA AP.