XIL.FAARAX MACALLIN OO LAGA SAARAY XISBIGIISA.

(SAWIRKA)-FAARAX MACALLIN.

(NAIROBI)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheeegaayo in Hogaamiyaha WIPER Kalonzo Musyoka uu shaaca ka qaaday in Xisbigu uu Eryey ku Xigeenkiisii Dhadhaab Md.Faarax Macallin sababo la xiriiro hadal uu dhawaan jeediyey. Musyoka ayaa sheegay inuu ka xun yahay taageeriddii uu u fidiyey Faarax Macallin markii uu socoday ololaha Doorashada dalka kenya isagoo sheegay in hadaladii uu dhawaan sheegay ey la mid ahaayeen inuu “Hoos u eegaayo Kenyanka”. “Waxa uu Faarax Macallin ahaan jiray Isbedel doon,aniguna waan ugu ololeyn jiray degaan Doorashadiisa Dhadhaab… Qalbigeygu waa ey ku cuslaatay inuu yiraahdo oraah ceynkaas ah,hadda wixii ka dambeeyana waan ka saarnay Xisbiga”ayuu ku yiri shir Jaraa’id uu Kalonzo Musyoka qabtay maanta oo Arbaca ah(15/1/25)-ka. Faarax ayaa ka mid ahaa hogaamiyeyaashii dhawaan sheegay in Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto inuu mar labaad heli doono sanduuqa cod bixinta ama qaab kasta oo kale. Waxa uu Faarax Macallin aflagaadeeyey dadka kasoo horjeedo dawladda isagoo difaacay Madaxweynaha isagoo u adeegsaday waxyaabo aan la daabici karin. 24-kii bishii Juulaay ee sannadkii hore 2024-kii,Faarax Macallin waxaa u yeeray Gudiga Qaranka ee isku dhafka iyo Isdhexgalka(NCIC) ka dib markii uu sheegay hadallo muran badan dhaliyey kuna saabsan Mudaaharaadyadda ka dhanka ah Dawladda Kenya,isagoo cadeeyey in haddii uu Madaxweyne ahaan lahaa uu dili lahaa 5,000 Gen Zs maalin kasta si uu uga qeybqaato wax uu ku tilmaamay isku day lagu dumin lahaa dawlad sharci ah. U yeeris ka dib,Wiper waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga iyada oo Golaha Fulinta Qaranka ee Xisbiga(NEC) uu ku baaqay in Faarax Macallin laga xayuubiyo dhammaan jagooyinka Hogaanka ee Baarlamaanka dalka Kenya oo ey ku jiraan Gudiga Afhayeenka Baarlamaanka.

ISHA-DN.

Previous
Previous

XAMAAS IYO ISRA’IIL OO GAARAY HESHIIS XABAD JOOJIN AH.

Next
Next

DEG.AFGOOYE OO LAGU QABTAY GAARI SIDAY QARAX.