DEG.AFGOOYE OO LAGU QABTAY GAARI SIDAY QARAX.
(SAWIRKA)-WAXYABAHA QARXO EE LAGU QABTAY AFGOOYE.
(AFGOOYE)-Wararka laga helaayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi maanta oo Arbaca ah lagu qabtay Gaari nuuciisu yahay kuwa Raaxadda eyna saarnaayeen Waxyaabaha Qarxa oo aad u culus. Gaariga siday Waxyaabaha Qarxa ayaa ka yimid dhinaca Degmada Wanle Weyne ee G/shabeeladda Hoose waxa uuna ku soo socday magaaladda Muqdisho,sida uu sheegay G/Le.Xaashi Maxamud kana tirsan Ururka 1-aad Daraawiishta. Gaari weday Walxaha Qarxa ayaa soo gaaray bar koontarool ey iska leeyhiin Hayadaha Amaanka oo isku dhaf ah,dawaralkii weday oo isaga baxsaday goobta ayaa gaariga isaga degay dabadeedna u cararay goob aan hadda la sheegin. Arrintaan ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kasoo saaray war qoraal ah,waxa uuna u qornaay sidaan: Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho. Walxaha Qarxa ayey dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen Samaacadaha codka baahiya oo waa weyn,waxa eyna ku talagaleen iney si farsameysan ciidamadda ku dhaafiyaan balse waa ey u suurageli weysay madaama ey ciidamadu u diyaasanayeen ka hortaga farsamooyinka cusub ey adeegsadaan ALshabaab marwalba. Ciidanka Booliska Qeybta Xirfadlayaasha ku takhasusay kala furidda Walxaha Qarxa ayaa hadda ku guuleystay burburinta Walxaha Qarxa ee laga soo buuxiyey gaariga ey Boolisku qabteen.
ISHA-SNTV.