XEER ILAALINTA OO DACWADII SAYID CALI U GUDBISAY MAXKAMADDA.

(SAWIRKA)-DILAA SAYID CALI IYO XAASKIISA UU DILAY AUN-LUUL C/CASIS.

(MUQDISHO)-DEG DEG- Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in xeer ilaaliyaha Qaranka sheegay in maanta oo Khamiis ah kuna beegan 15/2/24-ka Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeynaayo Eedeysane Sayid Cali Macallin Da’uud kaaso loo haysto inuu Gubay Xaaskiisa AUN-Luul C/casiis oo u leheed Sayid Cali Uur Lix bilood ah. Qoraal ka soo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka loona qeybiyey Warbaahinta ayaa lagu sheegay in Xeer Ilaalintu dacwadda Sayid Cali u gudbisay Maxkamadda lana dedejin doono qaadista dacwadaan oo ah dila ula kac ah. Sayid Cali ayaa xaaskiisa waxa uu u gubay iney ka diiday iney u iibiso Dahabkeeda si uu ugu ciyaaro Qamaarka loo yaqaano”1XBET” kaaso lagu cayaaro Online-ka,Sayid Cali ayaa isku dayey inuu ka baxsado cadaaladda waxaane laga soo qabtay Galmudug oo ah halka uu asal ahaan ka soo jeedo Sayid Cali.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO SHIDAAL LAGA QODI DOONO DHAMMAADKA-2024-KA

Next
Next

SOOMAALIYA OO SHIR GUDOOMISAY SHIRKII AU-DA EE MAANTA.