SOOMAALIYA OO SHIDAAL LAGA QODI DOONO DHAMMAADKA-2024-KA

(SAWRKA)-CEEL SHDAAL OO LAGA HELAY HOBYO.SOOMAAL

(LONDON)-Sida ey boggeeda maanta oo Khamiis ah ku qortay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waxaa dalka Soomaaliya laga qodaay shidaal dabayaaqadda sannadkan 2024-ka. BBc-da ayaa sheegtay in shirkadda Qandaraaska lagu siiyey Qodista/Baarista shidaalka iney durbaba bilawday hawsheedii waxa eyna soo asteysay Goobaha ugu haboon ee laga Qodi karo Shidaalka,Shirkadda ayaa sheegtay iney xadiday halka laga Qodi karo Ceelka ugu horeeyo ee laga soo saaraayo Shidaalka dalka Soomaaliya waxa uuna Ceelkaasi ku yaalaa ayey tiri shirkadda Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug maamulka Galmudug. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Md.Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay in dabayaaqadda sannadkan 2024-ka dalka Soomaaliya loo soo saari doono Shidaalkii ugu horeeyey kaaso la filaayo inuu noqon doono Maadada Ceyriin(Raw Materials) ka dibne loo diri doono tijaabo baaritaan ah.

ISHA/BBC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TURKIGA OO BALANQAADAY DIFAACA DHULKA SOOMAALIYA.

Next
Next

XEER ILAALINTA OO DACWADII SAYID CALI U GUDBISAY MAXKAMADDA.