XEER ILAALINTA CQS AYAA AMARTAY IN LA SOO QABTO…

(SAWIRKA)-LIXDA ASKERI EE LA DIALAY.

(JAWHAR)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad u xoogan baraha bulshada ey Soomaalidu ku sheekeysato u qabsaday dilkii foosha xumaay ee loo geystay askar ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwaaso fasax ka soo qaatay Ciidamadii ey ka tirsanaayeen. Askarta jidka loo galay ayaa safar u ahaay eheladooda oo degan Gobolka Hiiraan si ey u soo salaamaan balse ma eysan dhicin iney gaaraan halkii ey ku socdeen waxaane jidka u galay rag hubeysan una abaabulan qaab qabiil,waa ey dileen askertii ka difaaceysay cadawga Alshabaab waxa eyna ka qaateen Qoryihii ey siteen ka dibne duurka ayey u baxsadeen. Hadaba Xeer Ilaalinta Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa halkaasi waxa ey u dirtay Dhamme C/casiis Cismaan Faarax(Cabdi-Yare) si uu u soo ururiyo xoogaha dilka loo geystay askarta DFS, Cabdi-yare ayaa sheegay in dilka uu dhacay taariikhdu markey ahayd 26/12/24-kii saacadu markeey ahayd 8:30-Fidnimo kana dhacay Degaanka CEEL-Baraf kana tirsan Gobolka Sh/Dhexe ee Maamulka H/shabeele,waxaane gudi Muqdisho laga diray 27/12/24-kii,maalin ka dibne waxaa Ceel-Baraf gaaray Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Waraysi dheer ka dib,Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa soo saartay magacyadda askarta la dilay waxa eyna kala yihiin:

(1)-Ex.Dable Xooga.C/kaafi Cali Cabdulle.

(2)-Ex.Dable Xooga.Bile Xasan C/lle Sabriye.

(3)-Ex.Dable Xooga.Cabdi C/laahi Aden.

(4)-Ex.Dable Xooga.Farxaan Xasan Cali Cadaw.

(5)-Ex.Dable Xooga.Abshir Xuseen Jimcaale.

(6)-Ex.Dable Xooga.Muxyadin C/lle Wehliye.

Dhamme Cabdi-yare,kana socday Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in la helay dhammaan magacyada dadka dilay askarta DFS kuwaaso uu ku sheegay iney dhammaayeen ilaa 13-qofood,kana kooban 11-Rag ah iyo Laba Dumar ah,waxa eyna kala yihiin:

(1)-Aweys Cali Hubdin.

(2)-C/shakur Guraal Calasaw”Sheelaro”.

(3)-Xuseen Nuur Cali ‘Indhoole”.

(4)-Da’ud Maxamud Gelle.

(5)-Qaasim Cabdi Cariif.

(6)-Nuur Muxumad Jimcaale.

(7)-Cumar Axmed Cabdi.

(8)-Maxamed Axmed C/lle.

(9)-Maxamed Catoosh.

(10)-Nuur Toxobow Turbaaye.

(11)-Xasan Muxumad Macalin”Xasan Qori”.

(12)-Shukri Mukhtaar Yusuf”Shukri Buunsho”.

(13)-Sahro Cabdi Sheekh.

Intaas ka dib Dhamme Cabdi-yare ayaa sheegay in Hayadaha Amniga Sida NISA,Booliska iyo Xooga dalka iney ku dhaqaaqaan sidii loo soo qaban lahaa Eedeysanayaasha baxsadka ah kuna dhuumaaleysanaayo degaanka Ceel-Baraf iyo degaanada la deriska ah. Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay sababta keentay in magaaladda Ceel Baraf laga soo xiro dad odayaal ah iyo madaxii degaanka ey tahay iney ka gaabiyeen hawshii loo igmaday oo ahayd iney la shaqeeyaan maamulka H/shabeele iyo DFS.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

WEERARKII NEW ORLEANS OO NOQDAY MID ARG..

Next
Next

WAFDI ITOOBIYAN AH OO SOO GAARAY MUQDISHO.