WAFDI ITOOBIYAN AH OO SOO GAARAY MUQDISHO.
(SAWIRKA)-AISHA MAXAMED MUUSE.
(MUQDISHO)-Ilo wareedyo Xog-ogaal ah kuna sugan magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in wafdi ka socdo dawladda Itoobiya oo uu Hogaaminaayo Wasiirku Dawlaha Arrimaha Dibadda Mesganu Arga iyo Wasiirka Gaashaandhga Caa’isha Maxamed Muuse,ey soo gaareen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho iyagoo daba socda heshiiskii ama baaqii Ankara ee dhacay 11-kii bishii hore ee Diseembar-2024-ka. Masuuliyiinta Itoobiya ayaa ujeedkoodu yahay iney Dawladda Federaalka Soomaaiya kala hadlaan dhaqangelinta heshiiskii Ankara. Booqashada wafdiga Itoobiyaanka ah ayaa ku soo beegmeysa iyadoo aan la hubin doorka Ciidamadda Itoobiya ku leeyihiin hawlgalka cusub ee loogu magac dara Taageeradda iyo Xasillinta Midawga Afrika ee Soomaaliya(AUSSOM). Safarkaan Diblomaasiyadeed ayaa daba socda socdaalo is daba joog ah oo bishii hore ee Disemar-2024-ka ey Addis Ababa ku tageen Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda DFS Md.Cali Balcad iyo Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA) Md.Sambalooshe kuwaaso ujeedkoodu ahaa sidii loo hagaajin lahaa xiriirka xumaaday eyna sababtiisu ahayd ka dib markii dawladda Itoobiya ey heshiis dhinaca badda ah la gashay Gobolka la magac baxay Soomaliland sannadkii hore. Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiskaas,iyadoo u aragtay mid meel ka dhac ku ah Madax-Banaanideeda iyo midnimada dhulkeeda. Itoobiya oo ka mid ah wadamadda ugu dadka badan Qaaradda Afrika sida la sheego balse aan la hubin ayaan lahayn Bad waxa eyna raadineysaa iney si sharci ah ku hesho bad iyadoo hadda wada hadallo diiradda lagu saaraayo laguna xoojinaayo wada hadaladii ey la yeesheen DFS oo iska diiday wax kasta oo dhinaca badda ah oo ey Soomaaliland ku lug leedahay. Joogitaan Muqdisho ee Wasiiradda Caa’isha Maxamed Muuse oo ka mid ah wafdiga soo gaaray Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqaayo wada hadalladda xaasaasiga ah ee ku saabsan mustaqbalka Ciidamadda Mileteriga Itoobiya ee hadda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya una kala baxa kuwa ka tirsan ATMIS oo uu waqtigoodu dhammaaday iyo kuwa ku jooga heshiiska labada dal,Ciidamadda Itoobiya ee jooga Soomaaliya kana mid ah ATMIS ayey hawshoodu ku ekeed 31-kii bishii hore ee Disembar-2024-ka,balse Itoobiya ayaa dooneysa in Ciidamadeeda jooga Soomaaliya iney ka mid noqdaan hawlgalka AUSSOM kaaso eysan hadda ka mid ahayn. Xaaladda Juqaraafiyadeed ee cakiran ayaa waxaa sii kiciyey ka dib markii Ciidamadda dalka Masar ey qeyb ka nodeen hawlgalka cusub ee AUSSOM,tani waxa ey cabsi culus ku abuurtay dawladda Itoobiya ey colaad dhinaca biyaha Wabiga Niil kala dhexeyso dawladda Masar,waane colaad weligeed soo taagneed balse aan laga gaarin xal waara.
ISHA-ALLAFRICA.