Xasuuqii Gololeey
Waxaa isa soo taraayo wararka ku saabsan dil wadareedkii ka dhacay degaanka Gololeey ee degmada Balcad G/Sh/Dhexe.Warkii ugu dambeeyey ayaa sheegaayo in ciidamadda booliska qeybta dembi baarista(C.I.D)-da ineey soo xirtay maamulihii xarunta caafimaadka hooyadda iyo dhalaanka(MCH)-ka iyo qof kale oo aan la sheegin waxa eey tahay,labadaan qofood ayaa xarunta ka wada baxay saacad ka hor markii la afduubay takhaatiirta.Masuul ka tirsan baarayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in maamulaha xarunta hooyadda iyo dhalaanka(MCH)-ka ee degaanka Gololeey uu ku hadlay hadalo kala duwan markii la waraystay,sidoo kale waxaa xog laga helay in dilka eey fuliyeen shan nin oo ku hubaysnaay qoraga AK-47 kuwaasoo min hal xabad madaxa uga dhuftay dadkii la laayey,goobta lagu laayey Takhaatiirta ayaa lagu sheegay ineey tahay goob aysan tegi karin ciidamadda dawladda federaalka soomaaliyeed.
“Shan askeri iska daaye shan cabdi bile ma tegi karaan aaga dadkaan lagu laayey,sidoo kale dad qaba tababar casri ah ayaa dilay oo min hal xabad madaxa uga dhuftay”hadalkaan ayaa laga soo xigtay sarkaal ka tirsan baarayaasha.Maxamed Cali Madoobe ahne nabadoon ku sugan degaanka Gololeey ayaa u sheegay idaacadda Kulmiye ee magaaladda Muqdisho in xarunta caafimaadka hooyadda iyo dhalaanka(MCH)-ka eey ka maqnaayeen maamulaha iyo shaqsi kale kuwaasoo aaday tuuladda Qalimoo,nabadoonku ma sheegin goorta eey ka bexeen xarunta iyo goorta uu dhacay afduubka inta u dhexeeysay,tan kale haddii cidda fulisay dil wadareedka tahay koox qabta tababar casri sida eey sheegeen baarayaasha maxaa diidaayo ineey yihiin ciidamo eey leedahay dawladda federaalka soomaaliyeed gaar ahaan Haramcadka,NISA oo fulinaayo ajande eey gadaal ka taagan tahay dawladda federaalka soomaliyeed kaasoo ulajeedkiisu yahay sii jeedinta shacabka reer Muqdisho,mashquulinta beel weynta Mudulood iyo iska horkeenid beelo walaala ah kana wada tirsan beel weynta Mudulood/Abgaal,waa inaan xusuustayna ka gooyn wixii ka dhacay xarunta dawladda hoose ee xamar mudo ku dhaw sannad ka hor,dhacdadaas iyo tan maanta ka taagan degaanka Gololeey waa dhacdooyin xanuun badan taabtayne qalbi kasta oo soomaaliyeed oo leh damiir,dadnimo iyo diir naxa,wixii sameyeyne la geeyn doono cadaaladda horteeda maalin eey noqotaba(Dhawaa/Dheeraa).