Koonfurta suudan oo Masar u diiday…
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Koonfurta Suudaan,qoraal uu soo saaray ayuu ku xaliyey khilaafkii ka taagnaay in dawladda Masar loo ogolaado ineey saldhig ciidan ka sameeysato meel ku dhaw xuduudka Koonfurta Suudaan la leedahay dalka Itoobiya. Qoraalka wasiirka ayaa lagu sheegay inuusan jirin wax heshiis ah laga gaaray dalabkii Masaaridda,waxa uuna intaas raaciyey in dalalka Masar iyo Itoobiya yihiin saaxibo aad u wanaagsan eey leedahay Koonfurta Suudaan,waxa uuna si gaar ah wasiirku farta ugu fiiqay dalka itoobiya oo uu ku sheegay ineey ka kaalmeeysay dhibaatadda ka taagan gobolka Abyei.