XAFLAD AROOS OO ISU BEDESHAY GEERI.
(SAWIRKA)-GOOBTA DADKU KU DHINTEEN EE DALKA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Dalka Ciraaq waqooyigiisa ayaa waxaa ka dhacay musiibo aad u baaxad weyn eyna ku dhinteen dad gaaraayo ilaa boqol qofood waxaane ku dhaawacmay ilaa boqol iyo konton qofood oo kale,dhammaan dadkaan ayaa kuwada sugnaay goob ey ka jirtay xaflad Aroos,sababta keentay in dadkaan ey wada noqdaan kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa lagu sheegay iney tahay goobta uu ka kacay dab dadkana ey is buurteen,waxaane weli baaritaan lagu wadaa sababta keentay inuu dab ka kaco goobta loo diyaariyey xafladda arooska.
ISHA/VOA-SOMALI.