TURKIGA OO DALKIISA KA SOO TARXIILAY…
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA TURKIGA.
(ANKARA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Turkiga Cali Yarla Kaya ayaa maanta oo Arbaca ah(27/9/23)-ka sheegay in dalkiisa laga tarxiilay dad gaarayo ilaa 42,875-qofood oo Muhaajiriin aan sharci ahayn ah mudadii u dhexeysay 1/6/23 ilaa 22/9/23-ka,dadkaan ayuu sheegay Wasiir Cali intooda badan iney ka soo kala jeedaan afar dal oo deris la ah dalka Turkiga. Wasiir Cali ayaa qabtay shir Jaraa’id ka dib markii uu soo idlaaday shir ey lahaayeen Golaha Wasiirada dalka Turkiga kaaso ka dhacayey caasimada Ankara,Wasiirka ayaa sheegay in la qabtay 97,363-qofood oo ah Muhaajiriin aan sharci ahayn tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Turkiga horaantii bishii Juun ilaa 22/9/23-ka. Wasiir Cali ayaa tilmaamay in dalka Turkiga ey ka bexeen 105,488-qofood oo Ajnabi ah kuwaaso uu ka dhacay sharcigii ey ku joogeen dalka Turkiga loona diiday in loo cusbooneysiyo,tirooyinkii hore kuma jiraan dadka sida dhuumaaleysiga ah uga soo gudba xuduudaha kuwaaso qaarkood ey qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa eyna gaarayaan tirada la qabtay 70,796-qofood. Wasiir Cali ayaa tilmaamay dalalka ey ka yimaadeen dadka ah Muhaajiriinta aan sharciga ahayn soona gudba xuduudaha waxaane dalalkaasi ka mida ah{Afgaanistaan Bakistaan,Iraan iyo Uzbakistaan}.
ISHA/ARAB.