XAFIISKII UNSOM OO LOO BEDELAY UNTMIS.

(SAWIRKA)-MASUULIYIIN SARE.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Federaaalka Soomaaliya oo ey hogaaminayeen Wasiiro,Wakiiladda Qaramada Midoobe ee Soomaaliya iyo Ergada Diblomaasiyadeed ee ku sugan caasimadda Muqdisho ayaa maanta ka qeybgalay munaasabada furitaanka rasmiga ah ee Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNTMIS). Munaasabadda ayaa lagu xusaayey kala guurka Xafiiska Qaramada Midoobe ee Kaalmeynta Soomaaliya(UNSOM) una guuray magaca cusub ee ah (UNTMIS),isbedelka Xafiiskaan ayaa astaan u ah Horumarka ey Dawladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay isku filnaanshaha iyo doorkeeda masraxa caalamiga ah. Wasiiradda Arrimaha Dibadda,Arrimaha Gudaha,Warfaafinta,Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaamada Middobe,La taliyaha sare Yuusuf Garaad,madax kale iyo Safiiro ka kala socday dalal kala duwan ayaa ka soo qeybgalay munaasadda shaacinta is bedelka Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo laga dhigay(UNTMIS).

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

GUDIGII LABADA AQAL OO DOORTAY GUDOOMIYE IYO…

Next
Next

SOOMAALIYA OO DIB LOOGU SOO CELIYEY….