GUDIGII LABADA AQAL OO DOORTAY GUDOOMIYE IYO…
(SAWIRKA)-GUDIGA LABADA AQAL.
(MUQDISHO)-Iyagoo ka jawaabaayo Codsigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey sii shaqeeyaan muddo hal bil ayey Labada Gudoon ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya soo magacaabeen Gudi ka kooban 15-xubnood oo ka kala yimid Labada Aqal ee BJFS, Gudigaan ayaa toban ka mid ah waxa ey ka yimideen Aqalka Hoose ee BJFS halka shanta kale ey ka yimaadeen Aqalka sare ee BJFS. Sida ku xusan Qoraal ka soo baxay Gudoonka labada Aqal ee BJFS Gudigaan ayaa waajibaadkiisa waxaa ka mid noqon doono: (1)-Ka baaraanddega iyo Diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka, Ururadda,Xisbiyadda Siyaasadeed iyo Sharciga dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha. (2)-U soo gudbinta Labada Aqal oo wadajira warbixinta oo dhammeystiran kuna saabsan Xeerarka kor ku xusan. Hadaba maanta oo sabti ah taariikhduna ey tahay 9/11/24-ka ayaa Gudiga ku meel gaarka ah ee labada Aqal ee BJFS uu u xil saaray soo diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka,Ururadda iyo Xisbiyadda JFS iyo Sharciga Dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyey waxaane lagu doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku-xigeen,waxaane loo kala doortay Xil.Mahad Guuleed oo noqday Gudoomiyaha Gudiga, halka Senitar Iftin Baasto loo doortay Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudiga,waxaane Xoghayahay Gudiga loo doortay Xil.Cabdi Ibrahim Qawdhan. Doorashada oo u dhacday hab gacan taaga ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Gudoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Aqalka Hoose ee BJFS Md.Xil.C/laahi Abshiraw oo ey wehliyaan Habdhawraha Golaha Aqalka Sare iyo Xoghayeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
ISHA-SNTV.