XABSIGA GAALKACYO OO LA WEERARAY.

)SAWIRKA)-GAALKACYO.

(GAALKACYO-PL)-Wararka laga helaayo Waqooyiga Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Puntland ayaa sheegaayo in saakay aroortii uu halkaasi ka dhacay weerar culus ey soo qaadeen Maleeeshiyaad hubaysan oo aan ilaa hadda aan la aqoonsan heybtooda, weerarka ayaa lagu qaaday Xabsiga Weyn ee magaaladda Gaalkacyo halkaaso ey ku xiran yihiin Maxaabiis fara badan kuwaso isugu jira Alshabaab iyo maleeshiyo beeleed. Sida ey sheegen Goobjoogayaal,Maleeshiyadda hubaysan ayaa isku dayday iney soo furtaan Maxaabiis ku xiran Xabsiga balse waxaa jilibka u aasay ilaaladii joogtay Xabsiga,waxaane halkaasi ka dhacay dagaal culus oo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale. Wararka laga helaayo Puntland lana xiriiro weerarka lagu qaady Xabsiga Gaalkacyo ayaa sheegaayo in la damacsanaay in Xabsiga laga soo furto Maleeshiyo Beeleed u xiran dilka Nin Ganacsatada ah laguna magacaabo Axmed Tahliil Xaaji Aden kaaso gudaha Gaalkacyo loogu dilay Aano Qabiil,Xabsig Gaalkacyo ayaa ah goob inta badan ey soo weeraraan Kooxda ALshabaab si ey halkaasi uga furtaan Maxaabiistooda ku xukuman dilka Toogashada ah,waxa eyna hadda ka hor si xoog ah ku furteen dhawr Maxaabiis balse qaarkood la soo qabaty kuwa kalane ey baxsadeen.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY MADAXTOOYADDA.

Next
Next

DUQEYMO CULUS OO KA DHACAY DALKA YEMAN.