DUQEYMO CULUS OO KA DHACAY DALKA YEMAN.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(SANA’A-YE)-Diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil iyo kuwa Xulafada uu Maraykanka Hogaaminaayo ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ku qaaday goobo ey Xuutiyiinta Yeman ey leeyihiin oo ku yaalo dhawr Gobol oo dalka Yeman ah maanta oo Jimca ah(10.1.25)-ka,sida laga soo xigtay ilo maxali ah iyo warbaahinta. Magaaladda Sanca ee ah Caasimadda Yeman,dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in laba weerar oo dhinaca cirka ah lala beegsaday Xerada Ciidamadda DABWA’A ee ku taalo degaanka AL-SAWAAD ee Koonfurta caasimadda Sanca,halka 10-weerar oo dhinaca cirka lala beegsaday Xarunta Korontada ee degaan XIZYAZ oo hore loogu geystay laba weerar oo la mid ah midka maanta. Gobolka Camraan,diyaaradaha dagaalka ayaa 12-weerar oo dhinaca cirka ah ka fuliyey goobo Xuutiyiinta leeyihiin ee degmada Xaraf-Sufyaan. Magaaladda Xudeyda ee dhacda Galbeedka Yeman,warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa sheegtay in lix weerar oo xagga cirka ah lala beegsaday Dekedda Xudeyda iyo nawaaxigeeda,dhanka kale,warbaahinta Isra’iil ayaa xaqiijisay inuu jiraan weeraro wadajira oo dhinaca cirka ah kuwaaso markii ugu horeeyey ka dhaca dalka Yeman,weerarada ayaa lagu bartilmaameedsaday goobaha Xuutiyiinta ee isku xirka Isra’iil iyo Isbahaysiga Caalamiga ah,seddex mawjadood oo duqeymo ah ayaa la fuliyey saacadihii ugu dambeeyey kuwaaso lala beegsaday goobo Istaraatiiji ah.
ISHA-MO.