XAALADAHA COVID-19 EE QAARADDA YURUB OO KOR U KACDAY.
(GENEVE):Hayadda caafimaadka adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano(WHO) ayaa sheegtay in boqolkiiba todoba(7%) eey kor u kacday xaaladaha cusub ee cudurka Covid-19 ee qaaradda Yurub todobaadkii la soo dhaafay waane gobolka kaliyah ee addunka ku yaalo eey kordheen xaaladaha cudurka Covid-19.
Qiimaynta todobaadlaha ah eey sameeyso hayadda caafimaadka adduunka(WHO) midii ugu dambaysay ee la soo saaray shalay oo Talaado ahayd(19/10/2021)-KA ayey hayaddu ku sheegtay ku dhawaad(2.7)-milayn xaaladood oo Covid-19 iyo dhimasho dhan afartan iyo lix kun(46,000)-qofood ayaa ka dhacday qaarada Yurub kaligeed,sidoo kale tiro taas la mida ayaa lagu sheegay warbixintii todobaadkii hore,dalalka Ingiriiska iyo Ruushka ayey ka jiraan xaaladaha ugu badan ee Covid-19-ka.Hayadda caafimaaka adduunka(WHO) ayaa warbixinteed todobaadlaha ah ku xustay in hoos u dhac badan ee Covid-19 lagu arkay qaaradda Afrika iyo Baasifiga waxa uuna hoos u dhacay Q/Afrika (18%),Baasifiga (16%) dadka Covid19 ugu dhintay qaaradda Afrika rubacaan waa midaan la sheegin inkasto qaaradda Afrika eey ka jirto yaraansho aad u ba’an oo ah dhinaca talaalka COVID-19-ka.XIGASHO DAILY SABAH.