WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY KANA DHACAY LONDON.

(LONDON):Dalka Ingiriiska waxaa saacadihii hore ee maanta oo Arbaca ah(20/10/2021)-ka ka dhacay weerar loo adeegsaday Mindi,weerarkas ayaa waxa uu ka dhacay meel laga raaco Basaska shaqeeyo habeenkii ee mara dhulka hoostiisa waxaane goobtaas loo yaqaanaa”MILE END” waxa eeyna dhacdaa Bariga London.Weerarkaan ayaa waxaa ku dhawacmay seddex qofood mid ka mida dadka ku dhaawacmay oo 34-jir ah ayey xaaladiisa caafimaad aad u liidataa sida eey sheegeen goobaha caafimaadka halka labadii kale oo da’adoodu kala tahay 34 iyo 22-jiro aysan xumayn xaaladooda caafimaad balse uu soo gaaray dhaawac aan halis geelinayn naftooda welina waxaa lagu daaweynaa isbitaalka oo kama bixin.Weerarkaan loo adeegsaday Mindida ayaa waxaa loo qabtay nin 34-jir ah oo aan la sheegin magaciisa iyo jinsiyadiisaba sidoo kale kuwa ku dhaawacmay weerarka ayaa ayana la sheegin magacyadooda iyo jinsiyadahooda,waxaane xusid in weerarkaan loo adeegsaday Mindida uu yahay midkii labaad ee ka dhacay dalka boqortooyadda Ingiriiska muddo ka yar todobaad,weerarkaan midkii ka horeeyey ayaa dhacay maalintii Jimcaha(15/10/2021)-ka ee ina soo dhaaftay waxaane gaystay wiil soomaliyeed oo lagu magacaabo Cali Xarbi Cali oo eey duufsadeen kooxaha xagjirka ah sida eey sheegeen barayaasha Ingiriiska,weerarka uu gaystay Cali ayaa waxaa ku geeriyooday xildhibaan la yiraahdo David Amess(69)-jir ah oo ruug cadaa ah kana mida xisbiga Muxaafidka ee Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska Mr.Boris.XIGASHO INDDEPENDENT.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

KARIIM BENZEMA OO DACWAD LOO HAYSTO.

Next
Next

XAALADAHA COVID-19 EE QAARADDA YURUB OO KOR U KACDAY.