XAALADA KGS OO MURUGSAN.

(SAWIRKA)-XILDHIBAANAD AAMINA ELAAY.

(MUQDISHO)-Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS) ayaa wajahaayo culaysyo siyaasadeed oo kaga imaanayo dhinacyo kala duwan uuna ugu horeeyo kan uga imaanayo siyaasiyiinta mucaaradka,laba maalin ka hor ayey ahayd markii mucaaradka KGS ey war Murtiyeed ka soo saareen shir uga socday caasimada Kenya ee Nairobi,War Murtiyeedka ayaa waxaa ka dhashay doodo fara badan ey ka hadleen siyaasiyiin ka soo jeedo maamulka KGS. Gudoomiyaha Gobolka Bakool Tool ayaa ka mida dadka sida ba’an u weeraray siyasiyiinti soo saartay War Murtiyeedka,Prof.Dalxa ayaa isagan shirkaasi ku tilmaamay inuu ahaay mid u dhexeeyo beelaha dega Gobolada Bay iyo Bakool halka Xildhibaan Black oo joogo Oslo dalka Norway uu sheegay in siyaasiyiinta ey ka hadalsiisay laba arrin: (1)-In maamulka KGS laga waayey dhaqdhaqaaq dagaal looga soo horjeedo kooxda Alshabaab. (2)-In maamulka uusan diyaar u ahayn inuu fuliyo balamadii horay loo galay oo ahaay in sannadkan dhammaadkiisa la qabto doorasho,laakinse Xildhibaanad Amino Elaay ayaa wixii oo dhanba isku fuuqsatay sheegtayne in MW-Laftagareen yahay Dal-Nuurshe loona baahan yahay inuu KGS sii hogaamiyo.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

QOORQOOR OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.

Next
Next

MARAYKANKA OO ISKA FOGEYEY.