XAALAD ABUUR KA JIRO MAAMULKA GOBOLKA NABADIR.

GUDOOMIYE MADAALE.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu talada dalka qabtay Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/22-kii waxaa dalka ka socday isbedelo muuqdo lana taaban karo gaar ahaan Madaxweynaha ayaa isbedel ku sameeyey hogaanka maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho,xilkaan ayaa loo magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) taariikhdu markeey ahayd 7/9/22-kii. Madaxweynaha oo gudanaayo waajibkiisa Dastuuriga ee kaga aadan dib u dhiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 20/11/22-kii waxa uu dhammaystiray magacaabida Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir waxa uuna u kala magacabay: (1)Maxamed Axmed Diiriye(Yahooh)-Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. (2)-Ciise Maxamuud Guure. Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda. (3)-C/casiis Cismaan Maxamed. Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada. (4)-Xasan Maxamed Jimcaale. Gudoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud. (5)-Faysal Caraale Afrax. Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaair. Hadaba maxaa soo kordhay oo dhacay shalay? Gudoomiye Yuusuf Madaale ayaa shalay oo Isniin ahayd waxa uu safar shaqo ugu ambabaxay dalka Masar waxa uuna ayadoo qoraal ah ku sime u magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye(Yabooh),magacabidaan ayaa waxaa ka dhashay muran uu abuuray Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Gobolka Banadir Ciise Maxamuud Guure waxa uuna ku dooday in isagu yahay ku xigeenka 1-aad ee gudoomiye Madaale,arrintaan magacabidda waxaa awood u leh Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale laakinse Gudoomiye Ciise rag ey isku reer yihiin kuna sugan dibadda dalka Soomaaliya waxa ey arrinta u rogeen in khilaaf uu ka dhexeeyo Gudoomiye Madaale iyo Ciise Guure taaso aan marnaba aan sax ahayn. Maamulka Website-ka DAYNIILE.COM ee ka hadla arrimaha Soomaaliya ayaa soo daabacay cinwaano kala Gedisan kuna saabsan arrinta ka taagan Gobolka Banaadir, Cinwaanka (1)-aad ayaa u qornaay sidaan”XARUNTA GOBOLKA BANAADIR OO KA TAAGAN KHILAAF XOOGAN OO KA DHALATAY CIDDA KU SIMAHA DUQA NOQONEYSO” qoraalka uu raaciyey ayuu ku sheegay in khilaaf ka dhexeeyo labada ku xigeen ee Amniga iyo Maaliyada cidda qabanaysa xilka ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaaadir, Cinwaanka 2-aad ayaa isna u qornaay sidaan”MAXUU SALKA KU HAYAA KHILAAFKA KA DHEXEEYA GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO KU XIGEENKIISA 1-AAD”,qoraalka uu raciyey cinwaankaan labaad ayaa waxaa ka mid ahaay Waxaa Bilihii u dambeyey jiray khilaaf maalinba maalinta ka dambaysa xoogaysanaayey oo u dhexeeyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) iyo ku xigeenkiisa 1-aad Ciise Guure,hadaba waxa halkaan ka cad in Website-ka Dayniile.com yahay mid u adeega cadawga ummadda Soomaaliyeed,waxa uuna ka shaqeeyaa isku dirka dadka walaalaha ah

ISHA WARKA SBM.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SAFARADA SACUDIGA EE ALJERIYA OO…

Next
Next

DILKII IDRIS DEBY YAA KA DAMBEYEY?