WEERARKII BELEDWEWYNE.

Magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan kana tirsan maamulka Hirshabeele ayaa waxaa ka dhacay weeraro is xigxigay loona adeegsaday Ismiidaamin iyo baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,weerardaan ayaa lagu bartilmaameedsaday xildhibaanadd Aamina Maxamed Cabdi oo ahayd xildhibaanda kaliyah ee u taagneed cadaalad u helidda dacwadii la xiriirtay Ikraam Tahliil Faarax oo ahayd sarkaaladda ka tirasan hayadda sirdoonka qaranka ee Nisa,sarkaaladaan ayaa la waayey June-2021-kii ayadoo ku sugnayd hoygeed kuna dhawaa xarunta loo yaqaano Maama Khadiijo kunataalo degmada Shibis ee gobolka banaadir.Dhacdadaan foosha xun ayaa waxaa ka hadlay siyasiyiin,aqoonyahano iyo culumaa’udiin soomaaliyeed waxaane wax ka qoray wargayso caalami ah eey ka mid yihiin The Guardian iyo Associated Press(AP),weerarada ka dhacay B/weyne ayaa waxaa sheegtay kooxda Alshabaab lana dagaalanta DFS waxaane soo baxaayo shakiyo fara badan oo la xiriiro sababta eey Alshabaab u bartimaameedsadeen Xildhibaanad Aamina ayadoo goobta eey wada joogeen masuuliyiin kale kana tirsanaay DFS sida Ex-Xildhibaan Goodax Barre,weeradda ka dhacay B/weyne ayaa waxaa ku dhintay(50) qofood waxaane ku dhaawacmay boqol iyo sideed(108)qofood sida eey sheegeen masuuliyiinta Hirshabeele.

Halkaan ka akhri.

Previous
Previous

DOORASHADDA SOOMAALIYA OO..

Next
Next

KENYA OO LAGA TARXIILAY NIN HALLAND U DHASHAY.