DOORASHADDA SOOMAALIYA OO..

Waxaa dalka Soomaaliya ku dhaw ineey soo dhammaato doorashaddii labada aqal(Sare/Hoose),doorashadaan ayaa soo bilaabatay bishii todobaad(July) ee sannadkii hore 2021-kii,xildhibaanadda ka tirsan labada aqal ayaa ka kooban 275-aqalka hoose ah iyo 54-aqalka sare ah guud ahaan tiradooda ayaa noqonayso 329-xildhibaan ayaga ayaana marka hore waxa eey dooran doonaan gudoomiyeyaasha labada aqal iyo ku xigeenadooda,waxaane lagu wadaa doorashadda labada gudoomiye iyo ku xigeenadooda ineey soo dhammaato shan iyo tobanka bisha afaraad(15/4/22)-ka ka dibne loo diyaar garoobo doorashadda madaxweynaha taasoo ayadana la filaayo ineey soo dhammaato dhammaadka bisha shanaad ee Meey-2022-ka,hadaba doorashadaan dadban ayaa waxaa ka dhashay waxyaabo aan horay u dhicin markii la qabanaayey dooraashaddii dadbaneed sannadkii 2016-kii waxaane hadda dhacday arrimo ka soo horjeedo Dastuurka KMG ah ee dalka Soomaaliya tusaale ahaan Qodobka-9-aad waxa uu dhigaa in mawaadin kasta oo Soomaali ah la dooran waxna uu dooran karo,qodobkaan waxaa baal maray labada maamul ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaane dhacday in is hortaag lagu sameeyey musharaxiin doonaayey ineey u tartaman kuraas loona xiray kursiga shaqsi eey wadatay DFS gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha,si kastaba ha ahatee waxaa diyaar ah 90% xildhibaanada la doortay waxaane dhiman 10% kuna harsan maamulka Jubaland waane kuraasta uu ku dheganaay Madaxweyne Farmaajo ee ah 16-ka kursi taalana Garbahaareey iyo tiro yar oo kuraas ah kuna harsan maamulka Hirshabeele qaarkoodna loo balansan yahay berri oo Isniin ah in la doorto.Doorashadda xildhibaanada ayey ahayd ineey dhacdo dhammaadkii sannadkii 2020-kii tan madaxweynaha waxay ahayd iney dhacdo horaanta 2021-kii balse ila mereyso eey masuul ka tahay madaxtooyada ayaa ilaa hadda soo gaarsiisay,waxaane weli muuqata in madaxtooyaddu danaynayso sidii dib loogu dhigi lahaay doorashadda gudoomiyeyaasha labada aqal si tan madaxweynahana u sii daahdo si taas ugu suurtagashana waxaa dhacay weerar lala beegsaday xaruntii eey ka dhici lahayd doorasahada horaantii asbuucan,hadaba masuulka ugu sareeyo ee xil saaran yahay doorashada dalka waa RW-Rooble waxaane gacantiisa ka maqan usane haynin taliyeyaash ciidamadda ee ilaalin lahaay amniga goobaha eey ka dhceeyso doorashadda.

SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

DAGAALKA RUUSHKA IYO YUKREEYN.

Next
Next

WEERARKII BELEDWEWYNE.