WEERARKI HOTEL VILLA ROSE OO LA SOO….
(MUQDISHO)-Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15.5.22-ka lana magacaabay Golaha Wasiiradda Agoosto-2022-ka waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda ah ka dhacay seddex qarax oo gaystay waxyeelo aad weyn u qaraxyadaan ayaa waxaa sheegtay kooxda Alshabaab, Qaraxii ugu horeeyey waxa uu dhacay 20/8/22-ka waxa uuna ka dhacay Hotel-ka Xayat qaraxii labaadne waxa uu ka dhacay Isgoyska Zoobe meel u dhaw Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare 29/10/22-ka qaraxii ugu dambeeyeyne waxa uu xalay ka dhacay Hotel-ka Villa Rose kuna dhaw Madaxtooyada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed,weerarkii xalay ayaa ahaay mid ku bilawday Qarax Ismiidaamin ah uu sameeyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa waxaane xigtay is rasaaseyn u dhexeysay ciidamada ilaliyo Hotel-ka iyo kooxdii soo qaaday weerarka ee Alshabaab. Sida la soo tebiyey kooxda soo qaaday weerarka ayaa ka koobneed guud ahaan lix maleeshiyo waxaane is qarxiyey mid kaliyah shantii kalane waxa ey gudaha u galeen Hotel-ka waxa eyna halkaas isku fara saareen ciidamada Amaanka ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed,si kastaba ha ahaatee,weerarkaas ayaa waxaa ku geeriyooday kuna dhaawacmay dad shacab ah,masuuliyiin iyo ciidamadda amaanka waxaane laga soo badbaadiyey masuuliyiin kale,hadaba dadka shacabka ah ee aan helay magacyadooda ilaa hadda kuna geeriyooday Hotel-ka Villa Rose ayaa waxaa kamida{AUN-Prof.C/laahi Bashiir oo soo noqday Agaasimhii hore ee Maaliyadda ee Madaxtooyada JFS ee Xukuumaddii Madaxweyne Farmaajo,Jamaal Ubaxle, Hodan Sharaf(caruur)ah iyo Maxamed Sayid cilmi Rooblle},dadka ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka mniga Qaran Doodishe,dadka la soo badbaadiyey ayaa kala ah{Wasiirka Kallumaysiga-Md-Axmed Xasan Aadan,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xildhib.C/fataax Qaasim,Wasiirul Dawlaha Bii’adda Dr.Aadan Ibraahim Aw-Xirsi iyo Senitarad-Duniya Maxamed},Weli ma helin triakoob dhab ah kuna saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxii xalay ee Hotel Villa Rose.
ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA). LA SOCO.