ALSHABAAB OO CAAWA WEERARTAY HOTEL…

WASIIRKA AMNIGA QARAN DOODISHE.

(MUQDISHO)-Ku dhawaad saacadu markeey ahayd 8:03-fiidnimo waqtiga Muqdisho waane habeen Axad ah ayaa waxaa laba qarax oo isku xiga waxa ey ka dheceen HOTEL VILLA ROSE oo u dhaw Madaxtooyada JFS kuna yaalo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya.Hotel-ka ayaa waxaa degan masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed,sida laga soo xigtay goobjoogayaal waxaa Hotel-ka ku kulansanaay qaar ka mida xildhibaanadda BJFS,qaraxa ayaa ahaay mid loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo,waxaane la maqlaayey hugunka rasaasta eey isu adeegsanaayeen ilaalada Hotel-ka iyo kooxdii soo qaaday weerarka oo la sheegay ineey ahaayeen Alshabaab,qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Wasiirul Dawlaha Beyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Aw Xirsi ayuu ku sheegay in isaga uu ka badbaaday weerarka,wararka qaar ayaa sheegaayo in weerarka ey lug uga jabtay Wasiirka Amniga Doodishe waxaane Hotel-ka la weeraray wax ka deganaay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow”Abuu Mansuur” iyo Gudoomiye ku Xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Xildhibaanad Sacdiyo Warsame.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA)

LA SOCO WIXII INAGU SOO KORDHO SAACADAHA SOO SOCDO.

Previous
Previous

WEERARKI HOTEL VILLA ROSE OO LA SOO….

Next
Next

TOOGASHO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA.