WEERAR KU DHUFO OO KA CARAR AH OO KA DHACAY…

(SAWIR)-KA.MUSLIMIINTA GOBOLKA MINNESOTA EE MARAYKANKA.

(MINNEAPOLIS)-Eedeysane ayaa loo soo xiray inuu ku kacay weerar loo adeegsaday Baabuur ka dib markii uu sameeyey Ku dhufo oo Ka carar banaanka Masjid ku yaalo Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka,Hogaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa sheegay iney rumaysan yihiin inuu ahaay weerar lala beegsaday,iyadoo boolisku barayaan dhacdadaan ayaa sheegay iney suurtagal tahay iney jirto Eex. Booliska Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa sheegay in shilkan uu dhacay duhurnimadii Arbacaddii shalay ahayd markii gaari nuuca yar-yar ah uu dardaray nin xilli uu la soo baxaayey alaabo uu ku jiray goobta baabuurta la dhigto ee Al-Xikma Islamic Center ee cinwankeedu yahay 116,32-aad st.W. Dhibanaha oo 36-jir ah oo ka tirsan shaqaalaha cutubka Minnesota ee Golaha Xiriirka Maraykanka-Islaamka(CAIR-MN)ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo aan halis ahayn waxaane loo qaaday Xarunta caafimaadka degmada Hannepin,Darawalkii weday gaariga yar ayaa goobta isaga baxsaday ka dib dhacdada. Dhacdadaan ayaa waxaa qabtay amaba duubtay Kaamiradda taaso ey la wadaagtay warbaahinta CAIR-MN,taaso muujineysa in gaariga yar uu ku degdegay markii dhibanuhu uu ka soo baxay gaarigiisa,oo uu ku dhuftay xilli uu isku dayay inuu baxi jidka.

ISHA/BMN.

SII AKHRI.

Previous
Previous

MUQDISHO UU KA DHACAY QARAX ISMIIDAAMIN AH.

Next
Next

GOLAHA WASIIRADDA OO ANSIXIYEY HINDISO SHARCIYEED.