MUQDISHO UU KA DHACAY QARAX ISMIIDAAMIN AH.

(SAWIR)-KA. QARAX ISMIIDAAMIN AH.

(MUQDISHO)-DEG DEG: Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah(23/5/24)-ka uu halkaasi ka dhacay weerar Ismiidaamin ah uuna fuliyey qof naftiisa haliga ah oo soo kaxeystay Mooto weli nuuceed aan la aqoonsan dabadeedna ku dhex Qarxiyey goob ey kuwada sugnaayeen Ciidamadda Dawaladda Federaalka Soomaaliyee iyo dad shacab ah. Sida ey sheegeen Ciidamdda Amaanka ee DFS oo gaaray Goobta ey wax ka dheceen geeriyoodu waa 6-askeri kana tirsan hayadaha Amaanka DFS iyo dhawr qofoof oo kale oo shacab ah,Booliska ayaa intaas ku daray in Goobta ey wax ka dheceen ey tahay halka loo yaqaano AL-Naciim kana tirsan degmada Dharkinley ee G/Banaadir,waxaane hadda socdo baaritaano la xiriiro sida ey Mootada ku soo gudubtay baraha Koontarool ee ku hareereysan goobta Qaraxa lala beegsaday,ma jirto ilaa hadda cid sheegatay weerarkaas dhacay maanta dadne ey ku geeriyoodeen balse sida caadiga ah waxaa sheegto kooxda Alshabaab. LA SOCO WIXII SOO KORDHO.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

BOOLISKA G/BANADIR OO SOO XIRAY…

Next
Next

WEERAR KU DHUFO OO KA CARAR AH OO KA DHACAY…