WEERAR KA DHACAY DALKA TANZANIYA.
DAARA SALAAM(TANZANIA):Indha adeeyga maalin cad ayaa waxaa weerar ka dhacay magaladda caasimadda ah Daarasalaam ee dalka Tanzania,weerarka dhacay maanta aya waxa ku dhintay dad gaaraayo afar ruux,weerarka ayaa dhacay maanta duhurnimadii waxaane qaaday nin hubaysan,waxa uuna weerarka ka dhacay jidka Cali Xasan Mwinyi ee u dhaw safaaradda Faransiiska,dhacdadaan ayaa waxa eey ka dhacday halka eey ku kulmaan ee dhexeeyso jidadka Kenyatta iyo Kenondon. Booliska ayaa xaqiijyey in werarka eey ku dhinteen afar qofood uu ku jiro ninka soo qaaday weerarka iyo seddex askeri,sidoo kale dawladda tanzania ayaa sheegtay in weerarka eey ku dhaawacmeen lix qofood oo kale,dhacdadaan uu ku lug leeyahay ninkaan hubaysan ayaa ka dhacday qeybta ugu degan(xasilan) magaaladda Daarasalaam ee ah halka uu ka jiro ganacsiga caasimadda.XIGASHO DAILY NATION.