WEERAR CAAWA KA DHACAY XERADA GEN.GORDON.

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO GAARAY ISBITALKA DIGFEER SOONA BOOQDAY DHAAWICII LAGA KEENAY XERADA GEN.GORDON.

(MUQDISHO/BOSASO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in fiidnimadii caawa uu weerar ey ku dhinteen rag saraakiil Soomaali iyo Ajnabi ah iyo askar isugu jira uu ka dhacay gudaha Xeradda Tababarka Ciidamadda ee Gen.Gordon ee magaaladda Muqdisho,Xeradaan ayaa waxaa maamulo dalka Imaaraatka Carabta ee Midoobay,waxaane lagu tababaraa ciidamo kala gedisan ee ku biiraayo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed. Sida la sheegay weerarka dhacay caawa fiidkii ayaa waxaa fuliyey askeri ka mid ah askartii dhammaysatay tababarka loona qeybiyey Hubkii ey ku dagaal geli lahaayeen,Saraakiisha u dhalatay dalka Imaaraatka ee weerarkaasi lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah Sarkaalkii ugu sareeyey Ciidamadda Imaaraatka Carabta ee ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya waxaane magaciisa lagu sheegay Korneel Maxamed Bin Mubarak,sarkaalkan Imaaraatiga ah ayaa ahaay mid khabiir ah kana tirsanaay Ciidamadda Cirka ee dalka Imaaraatka Carabta,Saraakiisha kale ee u dhalatay dalka Imaaraatka Carab ee weerarkaas ku dhimatay ayaa kala ahaay: Sarkaal Imaaraatka ugu magacawnaay Madaxa Xerada Gen.Goradn, Madaxa Qeybta Tababarada Xerada Gen.Gordon,waxaa isna jira Sarkaal kale oo u dhashay dalka Baxrayn kana mid ahaay saraakiisha Xerada Gen.Gordon tababare ka ahaay,waxaa kaloo jira Saraakiil aan Imaaraati ahayn kana soo jeedo Afrika sida Madaxa ilaaladda Saraakiisha Carabta ah isla markaasne haystay ciidamadda Afrikaanka ah ee ku sugan Xerada Gen.Gordon,Madaxa Gaadiidka iyo Saadka waa sarkaal ka soo jeedo Afrika iyo lix Sarkaal oo Soomaali ah,sida ey sheegeen dad xogogaal ah weerarka ayaa ka dhacay Gudaha Masaajidka Xerada Gen.Gordon waayo dadka Geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Imaamkii Masjidka Xerada Gen.Gordon.Dhinacakale,wararka laga helaayo magaaladda Bosaaso ayaa sheegaayo in caawa halkaasi lagu dilay nin ka mid ah Ganacsatada magaaladda Bosaaso. Dabley Hubaysan oo aan ilaa hadda la garan heybtooda ayaa goobtiisa Ganacsiga waxa ey ku dileen Ganacsade reer Boosaaso ah ka dibne waa ey isaga baxsadeen goobta dilku ka dhacay, waxaane jirta in gudaha magaaladda Bosaaso laga maqlay Qaraxyo isku xig-xiga kuwaaso lagu sheegay iney ahaayeen bambooyin gacanta laga tuuray laguna tuuray Guriga Wasiirka Amniga ee Puntland Md.Ibrahim Cartan Xaaji Bakin,masuuliyiinta amniga ee magaaladda Bosaaso ayaan weli ka hadlin wixii caawa ka dhacay Boosaaso waxane sii xumaanayo Amniga guud ee magaaladda Bosaaso.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

SHIRKA MADAXDA URURKA MIDAWGA AFRIKA OO ..

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO LA KULMAY CULIMADA SOOMAALIYEED.