SHIRKA MADAXDA URURKA MIDAWGA AFRIKA OO ..
(SAWIRKA)-KAALIYAHA XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA PHEE MOLLY.
(ADDIS ABABA)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in wafdi diblomasiyadeed oo Maraykan ah eyna hogaaminayso Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka haweeneyda la yiraahdo Molly Phee si ey uga qeyb galaan shirka uu yeelanaayo Ururka Midawga Afrika. Kaaliyaha Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka ee Qaaradda Afrika Molly Phee ayaa hogaamin doonto Ergada diblomaasiyadeed ee Maraykanka ee tegi doonto caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa inta u dhexeyso 12 ilaa 17-ka bishaan Feberaayo-2024-ka. Wafdigaan oo ey wehliyaan masuuliyiin uu ka mid yahay Danjire Mike Hammaer oo ah Ergayga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Gobolka Geeska Afrika,ujeedka wafdigaan Maraykanka ah ayaa ah iney ka qeybgalaan shir Madaxeedka Ururka Midawga Afrika kaaso la qorsheynaayo inuu qabsoomo inta u dhexeyso 14 ilaa 18-ka bishaan Feberaayo-2024-ka,shirka ayaa waxaa isugu imaan doono 34-hogaamiye oo Afrikaan ah oo ey ku jiraan Madaxweynayaal iyo Reysal Wasaarayaal. Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika Molly Phee ayaa lagu wadaa iney wada hadalo gaar ah la yeelan doonto masuuliyiinta dalka Itoobiya mana la sheegin iney ka mid tahay xaaladda kacsan ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya. Booqashadaan wafdiga Maraykanka ah ayaa daba socoto walaaca uu dalka Maraykanka ka qabo dilalka Qorsheysan ee ka dhacay magaaladda Merawi ee Gobolka Amxaaradda dalka Itoobiya taariikhdu markey ahayd 29/1/24-ka. Warar soo baxayo ayaa sheegaayo in 50-qofood oo rayid ah lagu dilay iska hor imaad dhexmaray Kooxda FANO ee Amxaaradda iyo ciidamadda difaac dawladda Itoobiya.
ISHA/SB-MEDIA.