WASIIRO BOOQDAY HOTEL HATAY.
HOTELHAYAT.
(MUQDISHO)-Xalay fiidkii waxaa la soo afjaray weerarkii lagu soo qaaday Hotel Hayat ee magaalada Muqdisho,weerarka ayaa soo bilawday habeenkii Jimcaha todobadii fiidnimo waxa uuna socday muddo ka badan 24-saacadood oo xiriir ah,kooxda gashay Hotel-ka oo aan la aqoon tiradooda iyo waxa huba eey haystaan ayaa sababay in dagaalku daba dheeraado soona gaaro waqtigaan.Wasiiro ka tirsan xukuumadda eeyna kala hogaaminayeen Wasiirka Amniga qaranka Doodishe,Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin iyo Gudoomiyaha G/Banaadir isla markaasne ah duqa caasimadda Muqdisho Cumar Filish,masuuliyiintaan ayaa ka hadlay gudaha Hotel-ka mana eeysan sheegin wax ku cusub dhegaha dadka reer Muqdisho(Tacsi iyo waa in lala dagaalaa). Warbaahinta Muqdisho oo in muddo ah sugaysay ineey galaan gudaha Hotel-ka ayaa maanta waxa eey gaareen gudaha Hotel-ka si xor ah waxa eeyna ka soo qaadeen sawiro muujinaayo burbur aad u baaxad weyn oo gaaray Hotel-ka iyo dhiig fara badan oo daadsanaay gudaha Hotel-ka. MW Xasan Sheekh waxa uu ku baaqay inuu dagaal adag la geli doono xoogaga Alshabaab inta uu dalka ka yahay Madaxweyne balse waxaa hadda muuqata in MW Xasan sheekh lagala hormaray dagaalkii oo wixii Hote-Hayat ka dhacay ka yihiin kow.
ISHA WARKA WAKAALADO.