WASIIR XOOSH OO LA KULMAY GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA.
(SAWIRKA)-GUDIGA DOORASHOOYINKA IYO SOOHDIMAHA.
(MUQDISHO)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xil.Cali Yusuf Cali(Xoosh) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha. Wasiirka ayaa Gudiga warbixin ka siiyey ahmiyadda uu gudigaan leeyahay iyo shaqada adag ee hortaala,sidoo kale Wasiirka ayaa xubnaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kula dardaarmay dardargelinta hawlaha Gudiga horyaalo iyo gudashada waajibaadkooda Qaran ee ku aadan hirgelinta Doorashooyinka Qaranka iyo Arrimaha Soohdimaha. Gudigaan ayaa dhawaan waxaa soo gudbiyey Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaaliyeed waxaane shalay oo Arbaca ah cod aqlabiyad ku Ansixiyey Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gudigaan uu Wasiir Xoosh la kulmay ayaa ah midka looga fadhiyo inuu dalka Soomaaliya gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod ah,waxaane mar walba dhici jirtay in la sameeyo Gudi Doorasho oo dalka gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod ah,mana soo marin dalka Madaxweyne aan isku dayin inuu dhiso Gudi Doorasho oo Madax Banaan oo dalka ka qabto Doorasho Qof iyo Cod ah,haddiisa markaan ey suurtageliso Dawaladda uu Madaxweynaha ka yahay Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud waxa ey noqoneysaa dawladdii ugu horeysay ee ku dhiirata iney wax ka bedesho Dastuurka KMG ah isla markaasne qabata Doorasho Qof iyo Cod ah.
ISHA-SB-MEDIA.