SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY KULANKA 40-AAD EE WASIIRADDA…

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYA EE JOOGA QAAHIRA.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caaasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta ka furmay shirkii 40-aad ee Wasiiradda Cadaaladda ee Ururka Jaamicadda Carabta,shirkaan ayaa waxaa ka horeeyey shirkii 73-aad ey shalay oo Arbaca ahayd ey yeesheen Gudiga Fulinta ee Wasiiradda Cadaaladda ee Ururka Jaamicadda Carabta,waxaane shir Gudoominaayey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda dalka Boqortooyada Sacuudiga Dr.Najm Bin Cabdallah AL-Zeyd,waxaane lagu diyaariyey Ajandaha shirka 40-aad ee Wasiiradda Cadaaladda ee Ururka Jaamicadda Carabta kaaso maanta oo khamiis ah ka furmay Xrunta Ururka Jaamicadda Carabta ee magaaaladda Qaahir ee dalka Masar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobada Ajandaha kuna saabsan sidii loo dardargelin lahaa loona dhaqangelin lahaa: (1)-Axdiga Carabta ee la dagaalanka Aragagixisada. (2)-Axdiga Carabtaee la dagaalanka Lacag dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada. (3)-Axdiga Carabta ee la dagaalanka Dembiyadda la xiriira Teknoolojiyadda Macluumaadka. Qodobada laga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa fulinta go’aamadii la xiriiray heshiiskii Carabta ee la dagaalanka Musuq-Maasuqa,Qabyo qoraalka heshiisii Carabta ee xaaladda Qaxootiga ee dalalka Carabta.Qabyo qoraalka heshiiskii Carabta ee ilaalinta Xogta shaqsiga,Qabyo qoraalka sharciga Carabta haga si looga hortago hadaladda neceybka,iyo Qabyo qoraalka sharciga hagista Carabta ee ilaalinta iyo caawinta dadka gudaha ku barakacay ee dalalka Carabta. Dalka Soomaaliya ayaa shirkaas waxaa uga qeybgalay Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Danjire.Ilyaa Sheekh Cumar,waxa uuna shirka ka jeediyey khudbad uu kaga warbixyey horumarka baaxadda leh ey ku talaabsatay Cadaaladda dalka Soomaaliya,waxa uuna Golaha Wasiiradda Carabta ka codsaday in dalka Soomaaliya laga taageero dadaalka ey ugu jirto dib habeynta socoto ee cadalaadda dalka.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO SERBIYA OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY.

Next
Next

WASIIR XOOSH OO LA KULMAY GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA.