WASAARADDA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO SHIR…

(SAWIRKA)-WASIIRADDA MAALIYADDA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaaladda Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka Wasiiradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyadda iyo Maamulka G/banaadir. Shirkaan ayaa looga wada tashanayaa arrimaha Horumarinta dhaqaalaha,Hanaanka maamulka Maaliyadda dalka.Qeybsiga kheyraadka iyo Mideynta canshuuraha taaso muhiim u ah kobaca dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi iyo Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamud Janaqaw ayaa soo dhaweyn ka dib furitaankii shirka waxa ey dhegeysteen tallooyinka Wasiiradda Dawlad Goboleedyadda waxa eyna ka jawaabeen su’aalaha la xiriira Horumarinta Maaliyadda iyo wada shaqeynta guud. Shirkaan ey isugu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ayaa la filayaa in berri la soo gabgabeeyo,waxaa kulankaan ka maqan oo aan ka soo qeybgelin Wasiirka Maaloyadda maamulka Puntland oo ka mid ah Wasiiradda lagu casuumay shirka.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO ANSIXIYEY HINDISA..

Next
Next

GOLAHA WASIIRRADDA OO NUS MILYAN UGU..