GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO ANSIXIYEY HINDISA..
(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA EE BJFS.
(MUQDISHO)-Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu yeeshay Kalfadhigiisa shanaad kulankiisa tobanaad,waxaane shir gudoominaayey kulanka maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Madoobe waxaane garab fadhiyey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Md.C/laahi Abshiraw. Kulanka tobanaad ee dhacay maanta ayaa waxaa soo xaadiray 143-Xildhibaan waxaane ka baaqday 132-Xildhibaan kuwaaso shan ka mid ah sharciga u ogol yahay iney ku maqnaadaan sifo sharci ah halka inta kale ey ku maqan yihiin sifo aan sharci ahayn amaba ey tahay in lagula xisaabtamo maqnaanshahooda. Ajandaha kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa ahaay Akhrinta Seddexaad iyo u Codeynta Hindisa Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya. Ka hor inta aan cod la gelinin Hindisaha ayaa waxaa Mooshin soo gudbiyey qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka kuwaaso soo jeediyey in Hindisaha lagu daro dhawr qodob ey u arkeen iney muhiim u tahay Sharciga Shaqada ee dalka Soomaaliya,waxaane afka Xildhibaanadda Mooshinka keenay ku hadlay Xildhibaan Gama’adiid. Wax yar ka dib waxaa codeyn la geliyey Hindisa Sharciyeedkii la marsiiyey akhrinta seddexaad waxaane loo qaaday Cod oo waxaa Ogolaatay 138-Xildhibaan,waxaane diiday 4-Xildhibaan waxaan ka aamusay 1-xildhibaan,waxaane sidaas Ansax ku noqday Hindisa Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya ey horay u soo gudbisay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
ISHA/SB-MEDIA.