WARAR QUBANE AH KUNA SAABSAN SOOMAALIYA.

(MUQDISH)-Dalka Soomaaliya waxaa ka jiro shirkado eey iska leeyihiin ganacsato Soomaliyeed kuwaaso bixiyo adeegyo kala duwan dadka shacabka ahne ka qaado lacago fara badan,shirkadahaas waxaa ka mid ah kuwa bixiyo adeega Isgaarsiinta iyo kuwa bixiyo adeega Korontada. Hadaba waxaa magaalooyinka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ku soo noqnoqday dab ka bilawda Koronto dabkaas ayaa waxa uu gaystaa khasaaro naf iyo maalba leh mana eey jirto hayad dabagal ku sameeyso amaba la xisaabtanto shirkadaha bixiyo adeega Korontada ee magaaladda Muqdsiho,dabkii ugu dambeeyey ee gaystay khaasaaro baaxad leh ayaa waxa uu ka kacay Suuq ku yaalo Degmada Dharkinleey ee G/Banaadi maanta oo Khamiis dabkaan ayaa waxa uu ka kacay Suuqa-Boocle ee degmada Dharkinleey ee G/Banaadir waxa uuna dabka gaystay khasaaro maaleed mana eey jirto cid wax ku noqotay waxaane lagu guulaystay in la demiyo,debka ayaa waxaa ku basbeelay ilaa konton goobood una badan goobaha lagu iibiyo Khudaarta laga keeno degmada Afgooye ee G/Shabeelada Hoose.

(KAARAAN)-Degmada Kaaraan ee G/Banaadir waxaa maanta ka dhacay toogasho lagula kacay nin ka mida egadii soo xushay xildhibaan COL.Cismaan Xaadoole,nabadoonkaan ayaa waxaa toogtay rag la sheegay ineey ku hubaysnaayeen BASTOOLADA ka dibne goobta isaga baxsaday. Xildhibaan Col.Xaadoole ayaa waxa uu ka mid ahaay saraakiishii la magac baxday Badbaado Qaran isna hortaagtay in MW-hore Farmajo uu ku darsado laba sano ee dheeri,waane markii labaad oo la dilaayo qof u dhaw Col.Xaadoole muddo ka yar bil waxaa isla degmada Kaaraan lagu dilay mid ka mida ilaaladda Col.Xaadoole arrintaan ayaa u eg mid si fiican u qorsheeysan lagana dambeeyo,beegsiga dadka ku dhaw Col.Xaadoole waa mid u baahan in si feejignaan ah loo baaro halka eey salka ku hayso iyo cidda gadaal ka taagan.

(CEELASHA BIYAHA)-Degaanka Ceelasha ayaa waxaa ka dhacay dil loo adeegsaday Mindi taariikhdu markeey ahayd 17/8/22-ka,gabadha la dilay ayaa magaceeda lagu sheegay in la yiraahdo Hibo Qaasim Maxamed gabadhaan ayaa ka mid ahayd ardaydii eey soo baxday natiijadooda maalintii Talaadada ee la soo dhaafay,Hibo ayaa ka gudubtay waxbarashada dugsiga sare isuna diyaarinaysay ineey bilaawdo waxbarashadeeda heer Jaamicadeed balse waxa eey ku baxady Hibo gacan ka gardaran.Ninka Burcadka ah(JEYLANI) ee dilay Hibo ayey Booliska G/Banaadir soo qabteen waxa uu gacan ku dhiiglaha sheegay in isagu dilay Hibo sababta keentay inuu gacan ku dhiiglaha Hibo dilo ayuu ku sheegay ineey diiday ineey siiso Telefoonkeeda gacanta,burcadka(JEYLANI) ayeysan u suuragelin inuu Hibo ka qaato Telefoonkeed gacanta waxa uuna Hibo duudka uga dhuftay dhawr Mindi oo sababay in ugu dambeyn Hibo u geeriyooto dhawacyadii soo gaaray,Burcadka(JEYLANI) ayaa hadda ah mid maxakamad suge ah eey dawladda gacanta ku hayso.

(GALMUDUG)-Wararka ka imaanaayo maamulka Galmudug gaar ahaan G/Galgaduud ayaa sheegaayo in degaano hoos tago degmada Cadaado ee G/Galgaduud,waxaane la sheegay in dagaalka uu socdo maalintii labaad waxa uuna dagaalka u dhexeeyaa laba maleeshiyo beeleed,dagaalka ayaa soo bilawday shalay galab waqti dambe waxaane u sabab ahaay weerar loo gaystay rag xoola raacata ahaay kuna sugnaay tuulo ka ag dhaw goobta lagu dagaalay.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA).

Previous
Previous

ABWAAN HADRAAWI OO GEERIYOODAY.

Next
Next

DALKA MAALI OO EDEYN U SOO JEDIYEY…