DALKA MAALI OO EDEYN U SOO JEDIYEY…

CIIDAMADA FARANSIISKA OO KA BAXAAYO DALKA MAALI.

(MALI)-Dalka Mali waxa uu ka mid yahay wadamada dhaca galbeedka Qaaradda Afrika waane dalka sideedaad dhinaca baaxadda dhulka ee Qaaradda Afrika,Mali ayaa dadkeeda waxaa lagu qiyaasaa ineey dhan yihiin 22-Milyan oo qofood,67% dadka reer Mali waxay da’adoodu ka yar tahay 25-sano. Dalka Mali waxaa ka dhacay Afgemi eey sameeeyeen ciidamadda sannandkii 2020-kii waxa eyna taasi ineey isku dhacaan maamulka cusub ee Mali iyo dawladda Faransiiska oo ah dalkii gumaystay Mali,sidaas darteed dalka Mali waxaa ka abuurmay kooxo gacan saar la leh Al-Qaacidda iyo Daacish waxa eeyna weeraro aan ka kala go’olahay ku qaadeen saldhigyada ciidamad Mali,waxaane dalka Mali la dagaalanka kooxahaan gacan ka siin jiray ciidamo Faransiis ah muddo dhan sagaal bilood oo xiriir ah ugu dambayntiina dalka Mali ayaa dalka Faransiiska ku eedeeyey inuu macluumaad ciidan iyo huba siiyo kooxaha Al-Qaacidda iyo Daacish sida lagu sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Mali maanta oo Arbaca ah. Sida uu faafiyey wargayska Todobaadlaha ah ee JEUNE AFRIQUE kuna soo baxa Afka Faransiiska xukuumadda Bamako ayaa cambaareysay si gaar ahne ugu celisay xadgudubka eey sameeyeen ciidamadda Cirka ee Faransiiska oo saldhig ku lahaay Mali,ciidamadan ayaa dalka Mali isaga baxay shalay oo Talaado ahayd,tani waxa eey marqaati u tahay sida eey wada shaqeyni uga dhexeeyso kooxaha argagixisada iyo ciidamadda shisheeye ee nabad ilaalinta u joogo wadamadda Afrika sida Soomaaliya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI

Previous
Previous

WARAR QUBANE AH KUNA SAABSAN SOOMAALIYA.

Next
Next

MAXAAD KALA SOCOTAA XARUNTA DHAQAN CELINTA IRSHAAD?