WAR CUSUB OO KA SOO BAXAY TOOGASHADII MINNEAPOLIS.

(SAWIRKA)-MUSTAFA AXMED MAXAMED.

(MINNEAPOLIS)-Qofkii Rayidka ahaa ee lagu dilay toogashadii dadka badan ey ku dhinteen ee ka dhacday magaaladda Minneapolis fiidnimadii Khamiista ayaa lagu magacaabi jiray Cismaan Siciid Jimcaale. Jimcaale oo ah 32-jir ayaa u dhintay dhaawacyo badan oo rasaas ah,sida uu sheegay baaraha Caafimaad ee degmada Hennepin Jimcihii. Waxaa lagu dilay guri dabaq ah oo ku yaalo 2200-Block ee Blaisdell Avenue South. Qof kale ayaa ku dhaawacmay gudaha guriga sida Boolisku sheegay. Saraakiisha ayaa goobta looga yeeray abaaro 5:15-Galabnimo ayadoo ey dhacayaan xabadaha. Sarkaal ka tirsan Booliska Minneapolis Jamal Mitchell ayaa qof u fidinaayey gargaar markii la tooganaayey,sida Boolisku sheegeen. Jamal Mitchell ayaa loo qaaday Isbitaalka halkaas oo uu ku dhintay. Sababta dhimashadda sarkaalka Booliska ah ayaa lagu sheegay iney tahay dhaawacyo badan oo rasaas ah,sida uu sheegay baaraha Caafimaadka,Booliska Minneapolis ayaa rasaas ooda uga qaaday Eedeysanaha oo isla goobta ku geeriyooday. Ciidamadda ayaa baaritaan ka sameeyey dhismaha guriga halkaaso ey ka heleen Jimcaale,oo laga yaabo inuu degan yahay dhismaha. Banaanka guriga ayaa nin lagu dhex toogtay gaarigiisa. Ciidanka Dab-demiska magaaladda Minneapolis ayaa sidoo kale uu soo gaaray dhaawac aan halis ahayn,waxaane loo qaaday Isbitaalka,laakin wax yar ka dib ayaa laga saaray Isbitaalka. War uu soo saaray Crime Watch-News kuna saabsan toogashadii Minneapolis ayaa qoraan sidan”Crime Watch ayaa xog ka heshay ilo madax banaan oo dhawr ah oo tilmaamaya Mustafa Axmed Maxamed oo 35-jir ah inuu yahay Tuhmanaha Khamiistii Koonfurta Minneapolis toogashaddii ka dhacday iyo weerar gaadmo ah oo ey ku dileen sarkaal Jamal Mitchell . Xogta ayaa tilmaameysa in Maxamed uu lahaa taariikh dembiyeed rabshado wata,waxaane la doonaayey markii shilku dhacaayey amarro dhaw ah.

ISHA/WCCO.

SII AKHRI.

Previous
Previous

MW-Dr. XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KHADKA TELEFOONKA KULA HADLAY…

Next
Next

WEERAR LOO ADEEGSADAY TOOREEY OO KA DHACAY JARMLKA.