MW-Dr. XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KHADKA TELEFOONKA KULA HADLAY…

(SAWIR)-KA MW-XASAN SHEEKH IYO WASIIR BLINKEN.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Telefoonka kula hadlay Xogahyaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Maraykanka. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maryakanka Blinken ayaa wada hadaladooda diiradda ku saaray arrimo ey ka mid yihiin la dagaalanka Argagixsaddaiyo Qorshayaasha Dawladda Soomaaliya ee hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya Atmis marka uu dhammado ka dib. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday Amniga iyo Xasiloonidda Gobolka Geeska Afrika. Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiir Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka Xafiiska Qaramadda Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM) kaaso dhawan loo soo magacaabay wakiil ku meel gaara ah una dhashay dalka Maraykanka lana yiraahdo James Swan. Dhinaca kale,Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mathew Miller Qoraal uu soo dhigay Bartiisa X ayuu ku sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken uu kala hadlay Madaxweynaha JFS Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud wax ku saabsan la dagaalanka Argagixisadda iyo hadafyadda Amniga ee la wadaago. Waxaa kaloo ey ka wada hadleen baahidda loo qabo in la dhimo xiisaddaha Gobolka,dhammaystirka qorshaha hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya Atmis ka dib,iyo sii socoshadda Xafiiska Qaramadda Midoobe ee Soomaaliya UNSOM.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

HAYADDA NISA OO SOO XIRTAY GANACSATO LA MACAAMISHA ALSHABAAB.

Next
Next

WAR CUSUB OO KA SOO BAXAY TOOGASHADII MINNEAPOLIS.