WAKIILKA XOGHAYAHA GUUD EE QM EE SOOMALIYA OO LA CEYRIYEY.

(SAWIRKA)-CATRION LAING.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo inuu banaanka yimid hadal maalmahaan dambe loogu hadal hayn badnaay Baraha Bulshada ey Soomaalidu sida aadka ah isugu dhaafsadaan aragtiyadooda,hadalkaas ayaa ahaay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ey Warqad Cabasha ah ka Gudbisay Wakiilka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilasan Soomaaliya haweeneyda la yiraahdo Catrion Laing. Haweeneydaan oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa dalka Soomaaliya waxaa loo soo magacaabay Taariikhdu markeey ahayd 3/5/2023-kii waane Madaxa Hawlgalka Qaramada Midoobe ee loo yaqaan(UNSOM),waxa eyna bedeshay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka,waxaane la sheegaa in Catrion Lainga ey leedahay khibrad dhan ilaa 35-Sano ah,waxayne horay uga soo shaqeysay Hayaddo diblomaasiyadeed ey leedahay Dawladda Ingiriiska. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xogahyaha Guud ee Qaramadda Midoobe Antonio Guterres ayaa lagu sheegay in Wakiilka Gaarka ah ee Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Catrion Laing in waqtigeedii shaqo ee dalka Soomaaliya uu ku eg yahay bisha soo socoto ee Meey-2024-ka,mana la soo raacin sabab loo soo gaabiyey xilka Catrion Laing balse waxaa loo macneystay iney tahay iney ku xadgudubtay Madaxbanaanida Dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya eyna dhawri weysay xeerarka u yaalo Qaramada Midoobe eyna ka mid tahay in Wkiilka Qaramada Midoobe u jooga Soomaaliya uusan shaqo ku lahayn Arrimaha Gudaha ee dalka Soomaaliya,Catrion Laing ayaa lagu Eedeyey laba arrimood oo kala ah “Arrintii Laascaanood iyo Tegidii Garawe”,arrintaan oo kale waxaa horay shaqadiis ku waayey Wakiilkii Xoghayaha Qaramada Midoobe uga wakiilka ahaay dalka Soomaaliya Nichola Haysom una dhashay dalka Koonfur Afrika. Catrion Laing oo xaqiiqsatay in Soomaaliya laga ceyriyey ayaa barteeda (X) waxa ey soo dhigtay Qoraal u Qoran sidan:”Soomaaliya waxay markii ugu horeysay i soo jiidatay sannadkii sagaashameeyadii,shaqadeydii ugu dambaysay ee aan halkan ka haayey(Somalia) waxay dib iigu xoojisay Ixtiraamka iyo bogaatinta aan u haayo shacabka Soomaaliyeed iyo dalkooda oo ah dhulkii rajada iyo saaxibtinimada,horumarka iyo balanada,iyo anigoo sii wadi doono taageerada iyo u doodida dalka Soomaaliya meel kasta oo aan joogo”.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

k/AFRIKA: LABA WIIL OO SOOMAALIA AH OO LAGU QABTAY AYAGOO TAHRIIBINAYO QAAD.

Next
Next

MAXKAMADDA CQS OO XUKUNTAY AFAR EEDEYSANE.