MAXKAMADDA CQS OO XUKUNTAY AFAR EEDEYSANE.

(SAWIRKA)-EEDEYSANAYAASHA LA XUKUMAY.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo Axad ah(21/4/24)-ka in Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ey Xukun ku riday Eedeysanayaal ka kooban Seddex Rag ah iyo hal Dumar ah,dhammaan Eedeysanayaasha Raga ah ayaa ka wada tirsan Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya qeybahooda kala gedisan balse ah Cabtooy ku heshiisay dhaca iyo Boobka dadka shacabka ah ee ku nool Caasimadda Muqdisho. Raga la Xukumay ayaa waxaa ka mid ah Kormeer Labaad Asluubta,Nuur Iidle Salaad,Dable Xooga,C/salaan Arwaax Sharif,Dable Xooga Maxamed Nuur Axmed iyo Nimca Maxamuud Cali,dhammaan dadkaan ayaa lagu soo wada eedeyey fal Burcadnimo iyo isticmaalka Qamri. Afartaan Eedeysane oo watay Gaari ayaa dhac u gaystay dad shacab ah oo gaaraayo ilaa 14-Qofood kuwaasi oo ku sugnaay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Eedeysane Nimca Maxamuud Cali oo ah halka Geber oo ku jirta Burcadaan ayaa doorkeedu ahaay Qarinta Agabyada la soo dhaco iyadoo saarneed qeybta hore ee gaariga wax lagu dhacaayey si loo marin habaabiyo ciidamadda Amaanka. Eedeysanayaasha ayaa Cabsanaay Qamri xilliga ey gaysanayen Dhaca Hubaysan waxa eyna soo mareen dhawr Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Gaarigii ey wateen oo ka halaabay,ayaa iyagoo ku sameynaayo Garaash ku yaalo Degmada Hodan waxaa ka soo qabtay Ciidamadda Amaanka ee ka hawlgala G/Banaadir taariikhdu markeey ahayd-10/8/2023-kii,baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista Kiiskaan waxaane laga ogolaaday taariikhdu markeey ahayd 7/3/2024-ka. Garsoorka Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyada ey dacwadu khuseyso ayaa ugu dambeyntii maanta Go’aan ka soo saaray Eedeysanayaasha waxaane lagu kala Xukumay: (1)-EX-Kormeere Labaad Ciidanka Asluubta,Nuur Iidle Salaad. (2)-EX-Dable Xooga Dalka, C/salaam Arwaax Shariif. (3)-EX-Dable Xooga Dalka,Maxamed Nuur Axmed ayaa lagu Xukumay min sideed Sano oo Xabsi ciidan ah,halka Nimca Maxamuud Cali lagu Xukumay shan sano oo Xabsi ciidan ah,sidaas waxaa warbaahinta la wadaagay Garsoore G/Le.Maxamed Cabdi Muumin kana tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajadda koobaad ee Ciidamadda Qalabka Sida.

ISHA/RADIO SNA.

Previous
Previous

WAKIILKA XOGHAYAHA GUUD EE QM EE SOOMALIYA OO LA CEYRIYEY.

Next
Next

CIIDAMADDA QARANKA SOOMAALIYA OO HELAY DEEQ….