WAFDI TURKI AH OO SOO GAARAY ADDIS ABABA SHALAY.

(SAWIRKA)-KULANKII ADDIS EE ITOOBIYA IYI TRKIGA.

ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Gedion Timothewos uu soo dhaweeyey wafdi heer sare ah oo uu hogaaminaayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga Md.Burhanettin Duran,labada dhinaca ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan wada xaajoodyadda farsamo ee soo socdo ee ku saabsan dhaqan gelinta Baaqii Ankara. Munaasabadda ayuu Wasiir Gadion fursadaan uga faa’iideystay inuu u mahad celiyo Jamhuuriyadda Turkiga oo fududeysay Baaqa Ankara ee dhexeeyey Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqaraadiga Itoobiya,waxa uuna muujiyey sida ey Itoobiya uga go’an tahay in si buuxda loo dhaqan geliyo Baaqii Ankara. Baaqa Ankara ayaa waxaa wada saxiixay seddexda dawladood ee kala ah “Turkiga, Soomaaliya iyo Itoobiya”,baaqaan ayaa dhigaayo in la ixtiraamo Madax banaanida dal Soomaaliya Midiisa dhuleed iyo Itoobiya iney kala baxdo ciidamadeeda dhulka Soomaaliya,gaar ahaan ciidamadda aan ka tirsaneyn Hawlgalka Midawga Afrika ee waqtigiisu dhammaaday 31-kii bishii Diseembar sannadkii 2024-kii ee loo yaqiin ATMIS. Sida lagu weday,horaanta sannadkan 2025-ka ayaa la filaayey in Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan inuu booqasho ku soo kala bixiyo wadamadda Itoobiya iyo Soomaaliya,waxaase hadda muuqata in Madaxweyne Erdogan uusan imaan doonin Soomaaliya iyo Itoobiya mar haddii wafdi ka socdo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ey soo gaareen Itoobiya Khamiistii shalay ahayd lana filaayo iney Soomaaliya soo gaaraan maalmaha soo socdo.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

KULANKA GOLAHA WASIIRADDA URURADDA EAC IYO SADC.

Next
Next

WASIIR FIQI OO KA QEYBGALAY SHIRKA WASIIRADDA…