KULANKA GOLAHA WASIIRADDA URURADDA EAC IYO SADC.

(SAWIRKA)-SHIRKA GOAHA WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA EE URURADDA EAC IYOSADC EE DAR ES SALAAM.

(DAR ES SALAAM)-Shir ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Wasiiro ka kala socda Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika iyo Jaaliyada Bariga Afrika ayaa ka dhacay Magaalada Dar es Salaam, waxaana kulankaasi looga hadlay xaalada amni ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Kenya, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane. Musalia Mudavadi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ah ee Zimbabwe, Hon. Prof. Amon Murwira, ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Dar es Salaam, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, ahna Guddoomiyaha Guddiga Wasiirrada ee SADC ee Ururka Siyaasadda, Difaaca, iyo Amniga (Organ Troika), Hon. Danjire Mahmoud Thabit Kombo, oo ay wehliyaan Wasiirada Difaaca ee EAC iyo wadamada xubnaha ka ah SADC. Shirkan ayaa ahaa mid loogu gogol xaadhayay shirka Madaxda EAC iyo SADC ee lagu wado inuu qabsoomo 8-da Febraayo 2025 kuna beegan berri oo Sabti ah, waxaana furitaankii shirka ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada EAC, Mudane. Musalia Mudavadi, waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in kulanka wadajirka ah looga golleeyahay sidii loo heli lahaa hab wadajir ah oo wax looga qabanayo caqabadaha Amniga ee Bariga Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo(DRC) si ay uga faa'iideystaan ​​DRC iyo Afrika. "Kulankan waxaa lagu qiimeyn doonaa sida hufan ee uu u socdo, laakiin Urur Goboleedyadda SADC iyo EAC waxay leeyihiin sabab ay u qabtaan. Arrintu waa ina hortaalla, waana in aan helnaa habka ugu habboon ee aan ku xallin karno,” Mudane. Mudavadi ayaa carabka ku adkeeyay. Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada ee SADC, Mudane. Prof. Amon Murwira, ayaa carabka ku dhuftay in aragtida asaasayaasha SADC ay tahay mid ku dhisan mabaadi’da sinnaanta, madaxbanaanida qaranka, daacadnimada, iyo Pan-Africanism wuxuuna xusay in asaasayaasha SADC ay ka go’an tahay in la abuuro gobol nabad iyo amni ah si loo dhaqaajiyo kobaca dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada. Wuxuu ku nuux-nuux saday xaaladda ka taagan bariga DRC in loo baahan yahay SADC, EAC, beesha caalamka, iyo dhammaan dhinacyada isku haya DRC inay meel uga soo wada jeestaan ​​sidii xal waara loogu heli lahaa nabadda iyo ammaanka DRC. Hoe Wuxuu ku ammaanay madaxda maamul goboleedyada EAC iyo SADC hoggaaminta hiigsiga leh, taasoo horseedday shirkii Daarasalaam. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga bariga Afrika oo kulanka ka hadlay. Danjire Mahmoud Thabit Kombo, ahna Guddoomiyaha Ururka SADC Organ TROIKA, ayaa ku baaqay in shirkan laga hormariyo ajandayaasha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda DRC, si loo suurtageliyo go’aanno wax ku ool ah oo ay gaaraan madaxda dowlad goboleedyada. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii socoshada wada-hadallada nabadeed ee Bariga DRC iyada oo loo marayo habab kala duwan, oo ay ku jiraan geeddi-socodkii Luanda ee uu hoggaaminayey Madaxweynaha Angola Mudane João Manuel Gonçalves Lourenço iyo geeddi-socodkii Nairobi ee uu hoggaaminayey Mudane Uhuru Kenyatta ee Kenya. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu tilmaamay in aan weli la gaarin xal waara, taasi oo fursaddan ka dhigaysa mid laf-dhabar u ah ka midho-dhalinta hadafkii la rabay. Goor sii horeysay, Xoghayaha Guud ee EAC, Hon. Veronica Nduva,waxay ku celisay sida ay uga go'an tahay EAC inay la shaqeyso dhammaan dhinacyada ay khusayso sidii nabad waarta loogu heli lahaa bariga DRC. Waxay xaqiijisay in EAC ay taageeri doonto go’aamadii laga soo saaray kulanka, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in nabadda iyo amniga ay weli yihiin mudnaanta koowaad ee EAC iyo guud ahaan Afrika. Waxay kaloo sheegtay in Xoghaynta EAC ay sii wadi doonto wada shaqaynta dhow ee ay la leedahay ururada kale ee gobolka iyo dhammaan daneeyayaasha ku hawlan dadaallada lagu raadinayo xal nabadeed oo waara ee bariga DRC. Xoghayaha fulinta ee SADC, Hon. Elias Magosi, ayaa xaqiijiyay in Xoghaynta SADC ay sii wadi doonto taageeridda dhammaan dadaallada nabadeed ee bariga DRC, oo ay ku jiraan geeddi-socodka Luanda iyo Nairobi, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in lagu gaaro nabadda iyo ammaanka gobolka.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

HOGAAMIYE SARE OO DAACISH AH OO LAGU GOLIS.

Next
Next

WAFDI TURKI AH OO SOO GAARAY ADDIS ABABA SHALAY.