WAFDI KA SOCDO NORWAY OO SOO GAARAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)-WAFDIGA NORWAY IYO MADAXDA HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Agaasimaha Guud ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Md.Mustafa Sheekh Cali Dhuxulaw ayaa maanta oo Axad ah waxa uu xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socdo dawladda Norway oo uu Hogaaminaayey Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Socdaalka Md.Knut Holm. Agaasimaha ayaa marka hore waxa uu si diiran u soo dhaweeyey wafdiga ka socday dalka Norway,waxa uuna uga mahad celiyey taageeradda joogtada ah ey Dawladda Norway siiso shacabka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka labada dalk Soomaaliya iyo Norway,iyadoo Agaasimaha Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaalia Md.Mustafa uu si gaar ah ula wadaagay Qorshaha Dhismaha Machadka Tabarada ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya kaaso kor u qaadi doona aqoonta iyo khibradda saraakiisha. Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Socdaalka dalka Norway Md.Knut Holm ayaa uga mahad celiyey Agaasimaha Guud soo dhaweyntiisa diiran,waxa uuna xusay isagoo tixigelinaaya codsiga Agaasime Mustafa in Dawladda Norway ey gacan ka geysan doonto sare u qaadida Aqoonsiga Baasaboorka dalka Soomaaliya iyo Hirgelinta Qorshayaasha Horumarineed ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

TALYAANIGA OO DIB U HABEYN XASRI AH KU SAMEEYEY SNTV.

Next
Next

URURKA JAAMICADDA CARABTA OO YEELAN DOONO…