URURKA JAAMICADDA CARABTA OO YEELAN DOONO…

(SAWIRKA)-URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(QAHIRA)-Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Sabtida maanta ah shaaca ka qaaday in hadda ay socoto isgaarsiin lagu qabanayo shir madaxeedka Carabta oo looga hadlayo arrimaha Falastiin.

Waxaa arrintan ku wargeliyay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xusaam Zaki, xilli uu ku jiray wareysi dhanka taleefoonka ah oo uu ku siiyay Tv-ga Al-Qahera News Channel, ka dib markii Boqortooyadda Baxarayn ay ku dhawaaqday inay taageereyso soo jeedinta ah in shir deg-deg ah oo ay Carabtu ku yeeshaan Qaahira si ay u diidaan dib u dejinta Falastiiniyiinta.

Zaki wuxuu sharxay "in ay jirto isgaarsiin la xiriirta sidii hadda loo qaban lahaa shir madaxeedka Carabta si looga hadlo arrinta Falastiin, laakiin taariikhda weli lama cayimin."

Xusaam Xaki, Waxa uu tilmaamay in dadaalka Jaamacadda Carabta uu ujeedkeedu yahay "Inay ka hortagto sheegashada Israel iyo iney dib u xaqiijiso mabda'a xalinta labada dal."

Xusaam Zaki,wuxuu xaqiijiyay in "Mowqifka Carabtu uu yahay mid isku xiran, qof walbana uu garab taagan yahay Falastiiniyiinta, iyadoo Masar iyo Jordan ay diideen arrinta barakicinta”.

Waddamada Carabta oo ay ku jiraan Falastiin, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Suudaan ayaa Sabtida maanta ah si adag u cambaareeyay soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ah in dawladda Falastiin laga dhiso dalka Sucuudiga, iyagoo ku tilmaamay qorshihiisa mid xad-gudub ku ah Madax-Bannaanida Boqortooyada Sacuudiga iyo Sharciga Caalamiga ah oo uu ku qasbayo Falastiiniyiinta inay ka baxaan dalkooda.

Jimcihii shalay, Aasiirka Arrimaha Dibadda Baxrayn Abdullatif AL-Zayani ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee dalkiisa, in Manama ey taageersan tahay hindisaha lagu doonayo in shir deg-deg ah oo Madaxda Carabta ay ku yeeshaan caasimadda dalka Masar ee Qaahira ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay Qorshe uu ku doonayo inuu ku qabsado Marinka Gaza iyo barakicinta dadka reer Falastiiniyiint. Dalka Baxrayn ayaa hadda ah Madaxweynaha Ururka Jaamicadda Carabta ka dib markii uu martigeliyey Shir Madaxeedka Carabta ee dhacay Maajo 2024, Baxrayn waxay xaq u leedahay inay ku baaqdo shirar deg-deg ah oo ay kula heshiiyaan waddamada kale ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, sida uu sheegay Wakaaladda Anadolu.

Trump ayaa sheegay 4-tii Febraayo in Maraykanku uu "la wareegi doono" Gaza oo uu dib u dejin u samayn doono Falastiiniyiinta meelo kale iyada oo la raacayo qorshe dib-u-habayn oo aan caadi ahayn oo uu ku andacooday in uu u rogi karo go'doominta "Riviera ee Bariga Dhexe."

Soo jeedintiisa waxaa dhaleeceyn ballaaran kala kulmay Falastiiniyiinta, dalalka Carabta iyo dalal kale oo badan oo adduunka ah, oo ay ku jiraan Kanada, Faransiiska, Jarmalka, iyo UK.

Trump ayaa marar badan soo jeediyay in Falastiiniyiinta ku sugan Gaza ay qaataan dalalka Carabta ee gobolka sida Masar iyo Urdun, fikraddaas oo ay ku gacan sayreen labada waddan ee Carabta iyo madaxda Falastiin.

Heshiis xabad-joojin ah oo Gaza ayaa socday tan iyo 19-kii Jannaayo, kaas oo lagu hakiyay dagaalkii xasuuqa ahaa ee Israa’iil, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​48,200 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan Haween iyo Carruur, isla markaana ka dhigay meelo si aad ah u burbursan marka loo fiiriyo sida ey ahaan jirtay Gaza.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay bishii Noofembar amar lagu soo xirayo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii ​​hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay iney galeen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Israa'iil waxay sidoo kale wajahaysaa kiis xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ oo ku saabsan dagaalka ay ku hayso dhulka reer Falastiin iyo Koonfurta dalka Lubnaan.

ISHA-AA.

Previous
Previous

WAFDI KA SOCDO NORWAY OO SOO GAARAY MUQDISHO.

Next
Next

SHIRKII DAR ES SALAAM OO WAR LAGA SOO SAARAY..